Dhegayso: Shirka Wada tashiga Muqdisho, Ma Noqon karaan Mid Xal u keena Siyaasadda Somalia ee Cakiran

Magaalada Muqdisho waxa ka furmey shirka madaxda dowladda federaalka ah, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka shirka, sida lagu sheegey war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.

 

Warka ayaa lagu yidhi “Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamidho-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”

 

 

Shirkan ayaa daba socda shirarkii Dhuusamareeb ee hore looga arrinsaday arrimaha doorashooyinka, waxana shirkii ugu dambeeyay qaaddacay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo haddase goob joog ka ah shirkan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker