Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga.

Roma-(OWN)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

https://i0.wp.com/sonna.so/wp-content/uploads/2018/11/FB_IMG_1542695050486.jpg?resize=708%2C472&ssl=1

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker