Almaas Elman Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho.

Wararka Aanu ka helayno Muqdisho sheegaya in gudaha Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Gabadh Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Qoys caan ah.

Xabad aan la ogeyn cida soo riday ayaa Almaas Elman Cali Axmed oo Haysata dhalashada dalka Canada , waxaanay ku Sugnayd markii Xabaddu ku dhacday gudaha xarunta Xalane, waxa ayna gabadhan horey usoo noqotay Xoghayaha kowaad ee Safaaradda soomaaliye ee Kenya.

Gabadhan xabaddu ku dhacday ayaa ku Sugnayd gudaha Xarunta Xalane EE ay degan yihiin AMISOM iyo qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ahaa nin caan ahaa oo u ololeeyn jiray nabada kaa oo horey loogu dilay Muqdisho.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada iyo AMISOM oo ku aadan geerida gabadhan Soomaaliyeed iyo cida fulisay, waxaana xusid mudan in xarunta Xalane ay tahay mid amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayna joogaan ciidamo kala duwan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker