Farmajo: Hello Abiy Axmed Barlamaankii Federaalka Soomaaliya Ayaa Xil Ka Xayuubin U Gudbiyey

Farmajo: Hello Abiy Axmed Barlamaankii Federaalka Soomaaliya Ayaa Xil Ka Xayuubin U Gudbiyey Gudoomiyaha Barlamaanka Oo Ay Doonayaan Inay Xilka Madaxwayne Iga Tuuraan!!!!!!.
Abiy Ahmed: Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waar Saaxiib Farmaajo Waxaan Kuu Haystay Shaqsi Siyaasadda U Bisil Oo Waayo Arag Ah!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Abiy Axmad Soomaalidu Waa Ummad Cirka Laga Soo Hindhisay Oo Ninkii Wanaagsanba Way Ku Kacayaan Markay Dollar Fara Badan Oo Uu Saydhiyo Ka Waayaan!!!!!!!!!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Oo Iminka Maxaan Kuu Qabtaa Oo Aan Kugu Dhaami Karaa Anigii Baa Baaxadegaya Oo Tigrey Oo Masaaiib Ah Janaraaladoodii Xabsiyadda Ka Buuxiyey!!!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Adigu Waxaad Igu Dhaantaa Caalamka Oo Dhan Ayaa Kula Socda!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Oo Ma Adigaanay Caalamku Kula Socon!!!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Caalamku Haddii Ay ILa Socdaan Ma Barlamaan Ayaa Igu Kici Lahaa!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Waa Maxay Dambigan Barlamaanku Kugu Haysto??!!.
Farmaajo: Saaxiib Barlamaanku Dambi Iguma Haysto!!!!, Balse Wuxuu Igu Haystaa Sharcigii Wadanka Ayaad Jebisay Oo Waxaad Tahay Qaayimal Wadan!!!!!!!.

Abiy Ahmed: Saaxiib Dambi Iguma Haysto!!!, Balse Wuxuu Igu Haystaa Sharcigaad Jebisay Oo Waxaad Tahay Qaayimal Wadan!!!!, Labadaadaas Hadal Sidee Bay Isu Qabanayaan!!!!!, Hadalka ii Faah Faahi!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Waxay Igu Haystaan 16/6/2018 Maalintii Aad Muqdisho Soo Gaadhay Ee Muddada Dhowrka Saacadooda Afar Dekedood Kuugu Saxeexay Garoonka Dayuuradaha Ee Muqdisho Adam Adde International Airport!!!!!!!.
Abiy Ahmed: Waxyaalo Kale Oo Ay Kugu Haystaan Ma Jiraan??!!.
Farmaajo: Saaxiib Waxay Igu Haystaan Is Dhexgalka Labadda Shacab Itoobiya Iyo Soomaaliya, Is Dhexgalka Dhaqaalaha Iyo Siyaasadda Oo Mustaqbalkana U Xuub Siibanaya Itoobiya Iyo Soomaaliya Oo Noqda Hal Wadan!!!!!!!.

Abiy Ahmed: Saaxiib Ma Sidaas Ayey Madaxwayne Kuugu Doorteen??!!.
Farmaajo: Saaxiib Maxaa Dhacay?!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Waxaan Ku Moodayey Madaxwayne Miisaan Ku Leh Barlamaankiisa, Golihiisa Wasiiradda, Ciidamaddiisa Iyo Shacabwaynaha Soomaaliya??????!!!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Kumaan Fahmin Sidan Cadaawadda Ah Ee Hadalka Kakan Igu Odhanaysid!!!!!!!!!!!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Is Deji Waxaan Ula Jeedaa Wixii Aad Qarisaaba Way Ku Qarsadaan!!!!, Maxaad Ugu Bandhigi Wayday Shacabwaynahaaga, Barlamaankaaga, Golahaaga Wasiiradda Iyo Ciidamadaadaba?????!!!!!.

Farmaajo: Saaxiib Waa Arrin Khatara Oo Aan La Soo Bandhigi Karin!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Qarankaaga Lama Qiyaameeyo!!!, Lagamana Doorto Labaatan Milyan Oo Dollar ? Oo Aan Jeebabka Kuugu Buuxiyey!!!!, Waxaa Igala Qiimo Badan Adigoo Shacabkaaga Iyo Barlamaankaaga Runta U Sheega Dacarna Ha Ka Qadhaadhaatee!!!!!.
Farmaajo: Saaxiib Maxaa Talo Ah Ee Aad Igu Biirin Lahayd???!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Waxaan Ku Odhan Lahaa Shacabwaynahaaga Iyo Barlamaankaaga Cafis Waydiiso!!!!, Haddii Ay Kaa Diidaana Intii Barlamaanku Ku Casili Lahaa Waa Inaad Is Casishid Oo Aad Iskaga Noqotid Wadanka Maraykanka!!!!!.

Farmaajo: Saaxiib Waxaan Kaaga Baahanahay Shan Milyan Oo Dollar ? Iyo Ciidamo Dheeraada Oo Aad ii Soo Dirtid!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Shanta Milyan Ee Dollar Iyo Ciidamadda Dheeraadka Ah Maxaad Ku Falaysaa???!!!.
Farmaajo: Saaxiib Dollarka Waxaan Ku Maashaynayaa Barlamaanka, Ciidamadda Dheeraadka Ahna Muqdisho Iyo Baydhaba Ayaan Bandoo Ku Soo Rogayaa Intay Labadaas Gobol Edeb Yeelanayaan!!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Marka Hore Dollar ? Iga Heli Maysid Oo Adigu Bilyaneer Ayaad Tahay Oo Barlamaanku Waa Inay Jeebabkaaga Kugu Jiraan!!!!!!!, Ciidamo Dhibaato U Gaysta Shacabwayne Aan Waxba Galabsana, Inaan Ciidan Kuu Soo Diro Ha Iga Sugin!!!!!!!.

Farmaajo: Saaxiib Madaxwayne Idiin Wanaagsan Oo Aan Farmaajo Ahayn Soomaaliya Igama Dambeeyo!!!!!.
Abiy Ahmed: Saaxiib Madaxwayne Kasta Oo Soomaaliya Yeelato Oo Adiga Kaa Dambeeya Haddii Warankayagu Noo Galana Waa Guul Itoobiya U Soo Hoyatay!!!!!!, Haddii Warankayagu Noo Geli Waayana Oo Uu Nagu Noqdo Madaxwayne Muxammad Siyaad Barrena Waxaanu Kula Macaamilaynaa Deris Wanaag Iyo Laba Wadan Oo Wadaaga Dhinaca Ganacsiga Iyo Nabadgelyadda!!!!!!.

ahmed adem mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker