SHARCI KU TUMASHADA JOOGTADA AH EE MAAREEYAHA WADOOYINKA.

MADAXTOOYADA SOMALILAND OO DAWANAYSA SHARCI KU TUMASHADA JOOGTADA AH
EE MAAREEYAHA HAY’ADDA WADOOYINKA.

Maalmihii ina dhaafay waxaynu ku aragnay am aka maqalnay warbaahinta
kala duwan khilaaf xaga sharciga ah oo u dhexeeya maareeyaha
wadooyinka Mr.Cismaan Cabdi iyo wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka
Mr.Cabdilahi Abokor.
Hadaba markaan u kuur galay meesha uu salka ku hayo khilaafkaasi
waxaan soo ogaaday inuu yahay mid xaga sharciga ah oo labada masuul
midna ku taagan yahay xeerkii u yaalay hay’adda iyo wasaarada,
masuulka kalena yahay mid aan ku dhaqmayn xeerkii hay’adda u yaalay.
Marka hore bal ila eega labadan waraaqood ee midna uu qoray maareeyuhu
midna wasiirku ugu soo jawaabay (Fadlan hoos ka eeg labada warqadood).
Hadaba markaad labadaa waraaqood aad si fiican oo dhexdhexaad ah u
akhrido, waxa markiiba kaaga soo baxaya waxyaabahan soo socda:
1. Warqada maareeyaha waxa ka muuqata inaanay jirin haba yaraatee
qodobo sharci oo maareeyuhu ku saleeyey magacaabistiisa xilalka kala
duwan, xataa qodobka 25aad ee uu warqada ku sheegay maaha mid quseeya
talaabada uu qaaday.
2. Warqada wasiirku ku jawaabay wax aka muuqata inuu tixraacay ilaa 5
xeer oo hay’adda iyo wasaaradu wada leeyihiin.
Halkaas waxa inooga muuqda in labadaa masuul uu midna magacaabista uu
sameeyey sharci daro tahay oo macnahiisa oo dhami yahay ku qabso ku
qadimayside, midna jawaabtiisu ay sharciga iyo xeerarka dalka u yaala
waafaqsan tahay.
Sidaa daraadeed, waxa fiican in m/weynuhu uu talaabada ku haboon ka
qaado masuuliyiinta ku tumata sharciga iyo xeerarka dalka u yaala.
Sidoo kalena marka baahi is-bedel timaado maaha daruuri in M/weynuhu
uu waqti cayiman la sugo (sida 6 bilood, hal sano iwm) ama uu marqudha
wada bedelo masuuliyiinta ee kolba inta ugu daran ayuu is-bedel ku
samayn karayaa.
Fadlan hoos ka eeg labada warqadood:

 

Maxamed Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker