Ciidamada Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid ah dagaalyahanada ururka Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska Milatariga Maraykanka ee qaarada Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel u jirta magaalada Muqdisho 40km.

“Hadda waxeynu qiimeyneynaa in aanay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaadhin duqeyntan oo ka dhacday meel ka xigta 40km dhinaca Koofur Galbeed magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaarada Afrika.

Hore sidan oo kale Mareykanka ayaa duqeymo waxa ay uga geysteen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah duqeymaha ay geysteen ay wax-yeelo ka soo gaadhay dad rayid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker