Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Aasaaskii KULMIYE: Waraysi aan ka qaaday 2013kii.

Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Aasaaskii KULMIYE: Waraysi aan ka qaaday 2013kii.

“Qof ahaan waxa aan qabaa in uu Maxamuud Xaashi Cabdi illaa 2002dii ku jiray Golaha Dhexe ee KULMIYE”

Aragtida siyaasiga ah waa lagu kala duwanaadaa, waana la is qabtaa.. Imakadan qudheeda xisbi iyo qof aan taageere u ahay ma jiro. Haddana taariikhdu samaan iyo xumaanba xuskeeda waa ay leedahay. In aan ka marag furo waxa aan ogahayna damiirka ayaa i faraya. KULMIYE iyaga ayay u taallaa cidda ayay guddoonka u dooranayaan.

Waraysi dheer oo aan Maxamuud Xaashi ka qaaday 2013kii waxa uu ii sheegay in uu ahaa qofka labaad ee SIILAANYO ku weheliya unkidda KULMIYE oo urur markaas ahaa, waxa ay olole u galeen in dib loo galo furista ururrada siyaasiga ah. Waxa is weydiin leh sida ninka muddadaas dheer ahaa Xildhibaanka (2002-2005) oo KULMIYE jiray, Kulmiyaha mucaaridka ah (2002-2010), Wasiirka (2010-2017) dhawaan loogu daray Golaha Dhexe.

Akhri warbixntan aan waraysigaas ka diyaariyay:

Sannadkii 2001da waxa la isku raacay in Somaliland laga hirgeliyo hannaanka doorashada axsaabta badan lagana guuro habkii shirbeeleedka ee lagu cumaamadi jiray masuuliyiinta waddanka hoggaaminaysa. Ururradii loo unkay beretanka siyaaseed waxa u horreeyay UDUB, ka labaadna UCID ayuu ahaa. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka mid ahaa xubno isku raacay unkitaanka ururkii ASAD, laakiin taas wuu ka hakaday sababo jiray, isaga oo ka mid noqday raggii doorka ka qaatay samaynta Xisbiga KULMIYE.

Waa kan wasiirka oo faahfaahinaya arrimahaasi “Xilligii uu Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyay xeerka axsaabta ayaannu isu tagnay garabkaygii mucaaridka ahaa oo illaa soddon mudane tiradoodu ahayn, waxaannu isu tagnay ururkii dib-u-habaynta oo sal ballaadhan lahaa, ururkii UPS oo Maxamed Cabdi Iskeerse madax ka ahaa iyo  Ururkii Islaamiga oo ay Dr Maxamed Cabdi Gabboose iyo Xildhibaan Maxamed Cumar madax ka ahaayeen.

Intayadaasi waxa aanu ku heshiinnay inaanu samaysanno Xisbi mucaarida oo gaar ah kaas oo aannu isla garannay inuu ASAD noqdo. Laakiin xubno aan ka mid ahaa Ururradii Islaamiga, UPS, dib u habaynta iyo xildhibaanno aan ka mid ahaa ayaa ka hakaday inay ASAD ku biiraan markii uu diiday diiwaan-gelinta tallaabadaasoo aannu sharci ahaan u aragnay inay gef tahay”

Iyada oo is-marinwaagi taagan yahay ayaa uu geeriyooday Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxaana dibadda ka yimi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo nala kulmay aniga iyo nin markii dambe aan naga mid noqonnin isla markaana sheegay inuu leeyahay han siyaasadeed, waxaanu nala wadaagay  feker ku saabsan habkii loo samayn urur-siyaasadeed mideeya ururrada badan ee waddanka ka jira, aniga waxa uu ii sheegay inuu ka warqabo inaanan ururrada siyaasadda midna aanan ku jirin sidaasna uu iigu xisaabtamo. Sidaas darteed waxa aannu isla garannay inaanu urur cusub samaysanno, inaanu raadinno hal-door badan oo aan markaas ururrada jira midna ku biirin iyo inaannu wakiillo ahaan olole u galno sidii dib loogu furi lahaa diiwaan-gelinta ururrada”.

Maxamuud Xaashi oo sharxaya habkii dib loogu furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee xidhnaa iyo mudankii aririnkaas taageerada ugu muhiimsan isla markaana iftiiminaya habkii KULMIYE ku hantay taageeraal mug leh isaga oo ahaa urur cusub marka loo eego kuwa uu la beretamayay ayaa waxa uu yidhi “Dib-u-furista diiwaangelinta waxa aannu dood kaga galnay illaa kow toban mudane, markaa waxa la moodayay inuu rabno sharciyeynta ASAD oo markaa weli aan is-diiwaangelin.

Waxaannu ku guuleysannay inaannu Golaha Wakiillada ka helno fursad ah in ururrada tartanka rabaa ay isku diiwaan-geliyaan muddo aan u malaynayo shan iyo toban cisho oo dambe. Arrintaana waxa aan ku bogaadinayaa gacan weynna naga siiyay Xildhibaan Cabdiqaaddir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Marka laga yimaaddo Madaxweynaha oo lahaa fekerka aasaaska ururka waxa aan ahaa qofkii ku labaynayay hirgelinta KULMIYE, illaa 11 mudane oo la sheegi karo ayaa iyana qayb ka ahaa, waxa aannu dood ka galnay magaca ururka iyo astaantiisa oo aan ahayn kuwo madaxweynuhu jeebka ku sitay ama inankiisa uu ugu magac-daray, xaashaa lillaah!

Magaca Xisbiga waxa bixiyay Cabdi Giirre, subaxii magac-bixinta waxa la soo jeediyay inaan noqdo Xoghayaha Guud ee KULMIYE laakiin waxa aan uga tanaasulay Alle ha naxariistee Daauud Maxamed Geelle, sidaas ayaannu guddidii diiwaan-gelinta ururrada ugu gudbinnay saxeexa afartan qof oo isku raacay xubinnimada iyo dhismaha KULMIYE.

Waxaannu ku daahfurnay munaasibad ballaadhan oo lagaga dhawaaqay aasaaska xisbiga maanta talada haya, maalinba maalinta ka dambaysana waxa ku soo biiray hal-door miisaan leh waanu kobcayay sidaas ayaannu ku galnay kuna guulaysannay doorashadii Golaha Deegaanka ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2002-da oo aannu Xisbinnimo ugu gudubnay”.

 

 

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker