“Dhibaato xooggan ayaa ka dhacday Beledwayne gurmad u baahan” Madaxweynaha Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii toddobaadkan ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tagay xarunta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka u dhaw goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ee ku hanti belay.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan ee u geystay qaraxyada aragagixisada cadowga ah ka geysteen 3dii bishaan Magaalada Beledweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker