Magaalooyin ku yaalla Turkiga oo uu dhul gariir ku dhuftay

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in 10 magaalo oo ku yaala dalka Turkiga uu saameeyay dhulgariirka.

Waxaa kamid ah Kahramanmaraş, Hatay, Gaziantep, Osmaniye, Adıyaman, Malatya, Şanlıurfa, Adana, Diyarbakir, Kilis.

Waxa uu sheegay in kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ee dalka la geeyay “Feejignaan sare”.

Tirada dadka ugu dhintay dhul gariirka dalka Turkiga, ayaa marba marka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo haatan lagu qiyaasay in ka badan boqol ruux.

Sidoo kale, warbixin ka soo baxday wasaaradda caafimaadka dalka Suuriya, ayaa lagu sheegay in 237 qof ay ku dhimatay dalkaasi, guud ahaan gobollada Xalab, Latakia, Hama iyo Tartus.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka, ayaa soo saartey in ka badan 600 oo qof, ay ku dhaawacmeen dhul gariirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker