Haweeney Soomaali Oo Ku Eedeysan Gudniinka FGM-Ka Oo La Xukumay

Haweeneydaasi oo deggan Gobalka Queenland ee dalkaasi ayaa la soo taagay Maxkamadda ku taalla caasimadda Gobalkaasi ee Brisbane, waxaana oo lagu soo eedeeyey inay 2 gabdhood oo ay dhashay u kaxaysay Somalia, kuna soo samaysay Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka oo mamnuuc ah dalkaasi

 

Haweeneydaasi oo 45 jir ah waxaa lagu helay inay gabdhaheeda oo 10-jir iyo 13-jir kala ahaa ay Somalia u dhoofisay bishii April ee sannadkii 2015-kii, si loogu soo gudo.

 

Garsooraha Maxkamadda Brisbane, Leanne Clare waxay ku tilmaamtay dhaawacaasi inuu yahay tacadi ka dhan ah carruurta, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Haweeneyda Soomaalida waxaa lagu xukumay Xabsi 4-sanno, waana Xukunkii ugu horreeyey oo ay Maxkamadda Gobalka Queensland ee dalka Australia ku xukunto shaqsi lagu soo eedeeyey Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka.

Dhinaca kale, Haweeneydaasi oo la sheegay inay la xanuusan tahay Cuddurka Kansarka iyo dhabar-xanuun ayaa la sheegay in 8 bilood kadib la hakin doono muddada lagu xukumay, iyadoo Carruurteeda la sheegay inuu daryeeli doono Aabahooda, inta ay Hooyadooda xabsiga ku jirto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker