“Cid Walbana Waxay Isku Dayaysaa Inay Iyadu Ku Guulaysto In Shir-Guddoonku Noqdo Mid Iyaga Ka Mid Ah..”

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Shakiga Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ka qabaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu awood-dhaqaale u adeegsanayo doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa doonaya inay wada qaataan saddexda xubnood ee uu ka kooban yahay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland, balse Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dedaal badan ku bixinaya sidii Xildhibaan Yaasii Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Kulmiye u soo baxay u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maalmo ka dib, markii lagu dhawaaqay Natiijada doorashada wuxuu Warbaahinta ka sheegay inuu dhisayo Faratoon, si uu u noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaana markaa ka dib Xildhibaano ka mid ah Xisbiyada Mucaaradku sheegeen in loo soo jeediyey inay lacag qaataan oo ay u codeeyaan Faratoon, arrintaasi oo abuurtay shaki ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID ka qaadeen in Madaxweynuhu uu awood dhaqaale u adeegsanayo in Faratoon noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waydiiyey waxa ka jira in Madaxweynuhu uu dhaqaale u adeegsanayo sidii Kulmiye u heli lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaanu ku jawaabay “Xisbiyada Mucaaradku isku heli maayaan laba, inay yidhaahdaan Madaxweyne Muuse Biixi waa Handaraab oo Shilin Lacag ahi kama soo baxo iyo inay yidhaahdaan Lacag buu saydhsaydhinayaa oo uu Shir-guddoonka ku iibsanayaa, labadaasi isma qabanayaan. Handaraabku waa Handaraab oo waxba kama soo baxaanba oo lacag kama soo baxdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu Cidduu doonaba ha noqdee wuxuu u shaqayn doonaa Shacabka Somaliland iyo Baarlamaanka dalka, waxaanu ka mid yahay Hay’adaha dalka, marka Xisbiyo la yahayna waa lagu tartamayaa, cid walbana waxay isku dayaysaa inay iyadu ku guulaysto in shir-guddoonku noqdo mid iyaga ka mid ah, tartankaasina waa wax iska caadiya, markaa waxa suuqa laga leeyahay iyo waxa Rasmiga ahi waa kala laba..”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker