Alshabaab Oo Weeraray Saldhiga Ciidamada Ethopia Ee Waajid

Warar kala duwan oo laga helayo deegaanka waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu halkaas ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo  isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka waajid.

Dagaalkaan oo la sheegay in uu socday saacado badan ayaan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, balse waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dawlada Federaalka ay iska difaaceen.

Alshabaab ayaa sheegatay weeraro kala duwan oo bisha ramaadaan lagu qaaday fariisimo kala duwan oo ay ciidamo ka tirsan dawlada iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ay ku lahaayeen gobolo ka tirsan koonfurta soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker