Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku riday weriye Cabdalle Muumin

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta oo isniin ah go’aan ka gaartay dacwaddii ka dhanka ahayd Cabdalla Muumin oo ah guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay labo bilood oo xarig ah, waxayna maxkamaddu sheegtay inay kala laabatay damaanaddii uu banananka ku joogay.

Maxamaddu waxay sheegtay in xarigiisa lagu xisaabinayo 11 cishe oo horey loo xiray ka hor inta aan lagu sii daynin damaanadda.

Qaar kamid ah dambiyadii loo haystay oo uu ku mutaysan karay xarig dheer ayay maxkamaddu sheegtay inay ku weyday.

NISA ayaa Cabdalla Muumin ku qabatay garoonka diyaaradaha isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi 11-kii October 2022.

Eedeymaha loo haystay waxaa kamid ahaa inuu ka hor yimid amar dowladda kasoo baxay oo warbaahinta looga mamnuucayay tebinta wararka Alshabaab ay soo saaraan.

Cabdalla Muumin ayaa ku tilmaamay go’aanada dowladda kuwo ka hor imaanaya madax bannaanida saxaafadda iyo xorriyada hadalka ee uu damaanad qaaday dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker