Duqa Magaalada Muqdisho Oo Wareegto Ku Mamnuucay Xoolaha Lagu Soo Dhex Daayo Magaalada

Muqdisho(OWN)- Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada Muqdisho.

 

Maayarka  Muqdisho ayaa sheegay in dadka leh xoolaha lagu soo daayo magaalada la siinayo Labo Todobaad oo fursad ah, wixii ka dambeeya ganaax laga qaadi doono ciddii xoolaheeda lagu dhex arko magaalada.

 

Wuxuu Yariisow sidoo kale sheegay in haddii Saddex jeer uu qof ganaax ku dhaco in marka Afaraad lagala wareegi doono xoolaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker