Shirkada Telesom iyo Adeeggeeda Zaad ” Zaad Waa Adeeg lagu Barto Soomaaliland”

Shirkadda telesom waxa ay ka mid tahay Shirkadaha Kaalinta Hore kaga jira Qaaradda Afrika gaar ahaan adeegyadda Casriga ee la jaanqaadaya Technologiyadda iyo Horumarka caalamka.  Ilaa iyo 2009 kii wakhtigii la aas-aasay Adeeggan  kolba waxa sii kordhayay bulshada isticmaasha iyo adeegyadda horumarineed ee ay markasta ku kordhinayaan, iyadoo ay ka shaqeeyaan shaqaale tababaran oo lafdhabar u ah shaqada ay qabanayaan.
Marka la soo hadal qaado Mobile money Transfer  ama adeega lacag dirista ee Moobilka ,  waxa Afrika iyo caalamkaba markiiba  tusaale u Noqda Shirkadda Telesom oo marka la tilmaamayo la Dhaho Waddan yar oo ku dhex taalla soomaaliya oo tiradoodu tahay 4.5 milyan ayaa adeegan horumariyey oo si fiican u isticmaala, Bilgate oo ah milyan Neer u dhashay Ameerica oo u qudbadayna Malaayiin Hindiya jooga ayaa tusaale nool u soo qaatay horumarka ay reer soomaalilaan ka sammeeyeen Adeegga Zaad isagoo ku dhiirrigaliyey innay Somaliland ku daydaan.
Shirkadda Telesom magac iyo tusaale horumarineed ayay u tahay Soomaaliland waanna mid u baahan in lagu bogaadiyo,  qolo Ajaaniba oo la cadibnaa Shaqadda ay hayaan ayaan ka caawiyey innay sammeystaan Adeegga Zaad taasina waxay sababtay in ay maaliyaddii shaqo ee ay hayeen ku shubaan ka dibna u isticmaalaan hawlahoodii shaqo, Dhawr bilood oo aan arkay ayaan waydiiyey Ka wataa adeegii Zaad ku ye Wallee Waa Super!.
Waxqabadka iyo baahida uu daboolay adeeganni maaha mid aynu qoraal kaga geyoon doonno marka faa’iidooyinkiisa bulsheed la tilmaamo na waxa ka mida shaqo abuurka ay helleen ardaydii jaamacadaha ka soo baxday.
Shirkada  Telesom waxay ku guulleysatay Addeega zaad iyo hirgalintiisaba iyadoo u maamusha hab casri ah oo amaan ah kaas oo aad si dhibyar xisaabtaadda ugu xidhaysid Adeeggan, halkii markii hore aad ku dawakhaysay Invoice kaa lumay ama aad ilawday se haddii imika aad isticmaashid adeeggan xagga xisaabta wax badan ayuu kaa caawinayaa.
Shirkadda Telesom haddii Abaalgud la siinnayo waxbadan ayay u qalantaa haddii dawladdu siinnayso Abaal marin iyo dhiirrigalinba waanna mid looga fadhiyo, Anigu waxaaban odhan lahaa Fooqa dheer ee Khayriyadda Baarkin gaara ha loo siiyo Inta ku dhegsan ee ay dawladdu leedahay iyana meel ku Haboon Madxafka ha dhisto sidaan ka akhristay muwaadiniin aragtidooda dhiibanaya.
Adeega Zaad waa Kaydiye, Fuddaydiyo, ilaaliye, xusuusiye, Xafide, Wakhti dhawre iyo Horumar sameeye intaba haddaba ilaalintiisu waa mid ay cidkastaa wakiil ka tahay haddii ay dawlad tahay iyo haddii ay shaqsi tahayba.  Waayo waa  mid aynu si guud ugu wadda shaqaysano oo aanay shirkaddu wax faa’iido ah ku qabin.
Waxaan aaminsan ahay haddii shirkaddu lacag ka dhigi lahayd in faa’iidada maanta ay hayso mid ka badan  ay ka helli lahayd xattaa haddii ay      boqolaal qofi isticmaalaan. Se imika dadka ayay u naxaysaa oo ay ku daryeelaysaa.
Barigii hore waa aynu xusuusanaa sidii aynu ku helli jirnay lacagaha la soo diro iyo dhibtii aynu mari jirnay, qof wayn oo masuulla oo la leeyahay kuma garanayno ee cid ku garanaysa soo kaxayso si laguu siiyo lacagtii laguu soo diray, Maantana adigoo gurigaaga jooga ayay soo dhacaysaa wixii aad Yurub iyo caalamkaba uga baahatid,  markaa caalamkaynu la haysanaa oo waliba aynu zaad service dheer nahay taasina waa dedaalkii Telesom.
Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Berbera.
6.8.2019.
Article 400.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker