Virus ka dillaacay Shiinaha oo dunida ku faafaya

Tobonaan milyan oo qof ayaa awoodi waayay sanadkan in ay ka qeybgalaan dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha, kaddib markii ay dowladdu hakisay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha labo magaalo oo ku yaalla Shiinaha, sababo la Xidhiidha virus dilaa ah oo Dalkaasi ka dillaacay.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in dhimashada caabuqan cusub ay hadda gaadhay 41 qof, halka bukaannada uu soo ritay ay Gaadhayaan 1200 oo qof, iyadoo cudurku uu iskaga tallaabay 29 gobol oo Shiinaha ah.

Dadka uu cudurkani Asiibay Waxaa ku jira 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, hal dhaqtarna isagu waxaa uu U Geeriyooday Xanuunkan.

Meelaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla magaalooyinka Beijing, Shanghai, Sanyaiyo iyo Hainan ayaa la xidhay.

Magaalada Hong Kong ayaa mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah iyaga oo joojiyay dabaaldegyada la qorsheeyey in lagu maamuuso sanadka cusub ee Lunar-ka islamarkaana xidhay iskuullada.

Dhanka kalana, virus-kan ayaa si tartiib ah ugu faafaya dunida. Ilaa 5 kiis oo cudurkan ah ayaa laga soo weriyey dalka Thailand. Asutralia ayaa soo werisay ilaa afar kiis halka Faransiiska, Japan, Malaysia, iyo Taiwan ay soo weriyeen ilaa saddex kiis dalkiiba.

Dalalka Mareykanka iyo Vietnam ayaa xaqiijiyey min laba kiis oo ah dad uu helay virus-kan halka dalka Nepal uu soo weriyey hal kiis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker