James Swan oo mar kale loosoo magacaabay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa  James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u maagacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mr. Swan ayaa u shaqayn doona sidii Ergeyga Gaarka ah muddo ku meel gaar ah ka dib bixista Catriona Laing oo ahayd ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo dhawaan xafiiska ka tagaysa, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.

Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag ah oo horey usoo noqday wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo madaxa UNSOM ee 2019 ilaa 2022.

Kahor, waxa uu dowladda Mareykanka ka soo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo 2013 ilaa 2016, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya 2011kii ilaa 2013, iyo Safiirka Djibouti u fadhiya 2008 ilaa 2011.

Magacaabistiisa ayaa ku soo aadaysa xilli ay dowldda soomaaliya ka fikirayso xiritaanka xafiiska howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Waxaa sidoo kale magacaabidisa ku soo beegmaysa xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay arrimaha wax-kabadelka dastuurka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker