Guddoomiyihii guddiga ansixinta xildhibaanada Puntland oo sheegay in Siciid Deni inuu boobay liiska baarlamaanka

Guddomiyihii guddiga xallinta khilaaafadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka Puntland, Isxaaq Axmed Xasan ayaa sharci darro ku tilamamay liiska la shaaciyay ee baarlamaanka.

Guddoomiye Isxaaq ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Puntland inay fara galin qaawan ku sameysay liiska baarlamaanka, sababna ay u ahayd inuu xalay goor dambe ka baxo xarunta baarlamaanka, ka dib markii uu khilaaf hareeyay xubnaha guddiga khilaafaadka.

Guddoomiye Isxaaq wuxu sheegay in madaxtooyadu la timid liis dheer oo xildhibaano ah, kuwaas oo uu sheegay inuu ka biyo diiday inuu qabto. Wuxuu tilmaamay in dadka madaxtooyada la timid ay ahaayeen dad aan u qalmin inay matalaan masiirka Puntland.

“Madaxtooyadu shalay ayay noo yimaadeen, liis baa nala tusay aanan garanayn. Liiskaas 70% ma ahayn dad soo maray habraacii. Dad faylal haysta may ahayn. dad aan wajiyadooda garanayno may ahayn. Arrinatasi waxay keentay shook, khilaaf. Illaa xalay waxaa socday muran. Murankii markuu dhammaan waaayay anigu guddoomiye ahaan waxaan is iri bal ka dhex bax si aad Puntland u badbaadiyo. Ma rabin inaan shir jaraa’id qabto oo aan dhaho waan iscasilay.” Sidaas ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.

Isaaq wuxuu sheegay wixii guddiga ay sameeyeen in aysan waxba ka jirin oo uusan ku qanacsanayn. Wuxuu sheegay Puntland in ay u baahan tahay in laga badbaadiyo cidda soo xulatay xildhibaano aan sharci ahayn.

Hadalka guddoomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka ayaa yimid, iyadoo goor dhow lagu wado in la dhaariyo xildhibaanada liiskooda la shaaciyay, waxaana xarunta baarlamaanka lagusoo daad gureeyay ciidamo fara badan.

Lama oga dhinaca mucaaradka mowqifkoodu wuxuu ahaan doono, waxaana hadda u socda shir albaabada u xiran yahay, iyagoo la filayo inay goor dhow la hadlaan saxaafadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker