Maleeshiyo loo maleynayo Al-Shabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay Kenya

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ay ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Booliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay yaraadeen weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, ayaa hadana waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari iyo bariga Kenya, taasi oo qeyb ka ah ololaha ay Kenya ku cadaadineyso, si ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker