Madaxweyne Trump Oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow”

Dhanka kale, Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti.

Wuxuu sidoo kale sheegay ‘in Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada’

“Boqolkiiba toddbaadtan korodh ah dad qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka ugu khatar badan adduunka oo ay ka mid yihiin Yemen, Suuriya , Soomaaliya. Biden waxa uu u beddeli doonaa Minnesota xero qaxooti oo dugsiyada iyo cisbitaallada ciriiri yihiin” ayuu yidhi Trump.

 

Halkan hoose ka daawo khudbadaas

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker