Turkish Oo Xidhxidhay 133 Sarkaal Oo Lala Xidhiidhiyay Afgambigii Dhicisoobay Ee 2016kii.

Wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Xeer-ilaaliyeyaashu ay soo goosteen amar maxkamadeed oo ay ku soo Xidhayaan 133 Sarkaal oo militari ah oo lagu tuhunsan yahay inay Xidhiidh la leeyihiin Wadaadka Mastaafuriska ku jooga Maraykanka oo ay Ankara aaminsan tahay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016.

Wakaaladan wararka ee lagu magacaabo Anadolu ayaa maanta sheegtay in 101 ka mid ah saraakiishan la tuhunsan yahay ay boolisku ku soo qabteen weeraro ay ku qaadeen 45 gobol oo dalkaasi ah. Sidoo kalena ay boolisku baadigooobayaan 32 sarkaal oo kale oo la tuhunsan yahay.

Wakaaladan wararka ayaa waxa ay intan ku dartay in 82 ka mid ah saraakiishan la tuhmay ee amarka qabashada ah loo jaray ay yihiin saraakiil hadda ka shaqaysa milatariga. Waxana ku jira saddex Kornayl shan Gaashaanle iyo shan Xidigle.

Qiyaastii 77,000 oo qof ayaa la xiray halka ku dhawaad 130,000 oo kale, oo ay ku jiraan shaqaalaha militariga, laga ceyriyay shaqooyinka dowladeed ee ay hayeen kadib markii lala xidhiidhiyay tuhuno ah inay xidhiidh la leeyihiin shabakada Gulen tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016kii.

Gulenayaa dhinaciisa beeniyay ku luglahaashaha Afgambigaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker