Xubno Kamida Golaha Wasiirada Somaliland Oo Kormeer Qiimeyn Ah Ku Tagay Warshada Bacaha Ee Shiraaqle Plastic Factory Ee Magaalada Hargeysa

[07:57, 6/30/2019] Miyir: Hargeysa (OWN)-Xubno Katirsan Xukuumada JSL ayaa maanta kormeer qiimeyn ah ku tagay Warshada Bacaha ee Shiraaqle Plastic Factory.
Xubnahan oo kala ahaa, Wasiirka Maaliyada JSL Dr. Sacad Cali Shirre , Wasiirka Ganacsiga JSL Md. Maxamuud Sacad Saajin,Wasiirka Deeganka JSL Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,Wasiir-Kuxigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Md.C/qaadir Maxamuud Dhagaweyne,Maayar-kuxigeenka Caasimada Hargeysa Md.Cabdicasiis Cagaweyne,Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargeysa Md. Axmed Yoonis Aadan, ayaa kormeer-koodan saaka waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ay xubno miisaankan lihi ku tagaaan ,Warshada Bacaha ee Shiraaqle Plastic Factory oo 4 Feb 2015 oo lagu xanibay amar kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaasii oo dalka lagaga mabnuucay in laga soo saaro ama lagu warshadeeyo bacaha .

Gabagabadii Kormeerkan Qiimeynta ah ayaa waxa warbaahinta warbixin kooban siiyey Wasiirka Maaliyada JSL Dr. Sacad Cali Shirre isagoo isla markaasina sheegay in ujeedada kormeerkoodu daaranayd sidii mulkiilayaasha Warshadan Xukuumadu ugu celin lahayd hantidii kaga jirtay Warshadan

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyada JSL Dr. Sacad Cali Shirre oo warbaahintu waydiisay waxa uu kormeerkoodan iyo balanqaadkoodani kaga duwan yahay kormeero hore oo sidan oo kale ah ayaa waxa uu ku jawaabay sidan.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkan Oo Dhan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker