Dal Laba Goor Lama Aqoonsado!

Quwaddihii tartanka ugu jiray kala qaybsashada wadamada aduunka Qarnigii 18-aad , inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikirka iyo nidaamka qorshahoodii siyaasadeed, haddana waxay aaminsanaayeen laba ha boo kala ahaa, habka guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale) iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta wadamada kale, inta ay soo korayaan ), British Protectorate of Somaliland waxa ay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u ahaa boqortooyadii ingriiska sannadihii 1841-1960-kii. kuwaasoo ahaa 22-dal ee sida tooska ah ay u xukumaysay boqortooyadii ingiriisku.
Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii iyo dabeylihii xornimo doonka ee ka socday dunida sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British Protectorate of Somaliland 22-kii Dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, kuwaasoo kala ahaa, :- Cameroon, Togo, Somaliland British protectorate, Madafascara , Mali Federation, Union Senegal, French Sudan, Congo, Somalia, Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad, Benin, I very cost.

ka dib markii dowladda Somaliland (British Protectorate of Somaliland) ka qaadatay xornimadeeda maxmiyadii ay u ahayd boqortooyadii Ingiriiska, waxa ay la baxday magaca Jamhuuriyadda Somaliland ( Republic of Somaliland) balse, maalmo yar ka dib, waxa ay ka mid noqotay 12-kii Dal ee isla wakhtigaasi ku dhawaaqay inay sameysteen hab-wadaag dowladeed oo mideysan, waxaana gun-dhig u ahaa dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”- “Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland, Somalia, Republic Dahomey, benin, Republic of upper volta, Upper Volta, Burkina faso, Niger, Congo brazafil iyo Democracy Republic of Congo.

Markii ay dhex-mareen dhibaatooyin hor-lihi dowladii la odhan jiray Katanga ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay dowladii Democracy Republic of Congo, waxa iyaguna Xiisad xoogani ka bilaabmatay xidhiidhkoodii iyo midowgoodi, dowladihii Mali federation, Union Senegal iyo French Sudan, isla markaana waxa ka go’day French Sudan, taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”, haddana waxa ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u qaadatay madax-banaanideedii Mali federation iyo Union Senegal, waxa iyaguna midowgaasi ku kala noqday Republic Dahomey iyo benin oo markii hore la baxay Republic of Upper Volta, isla wakhtigaasi waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo qaatay gooni isku-taag iyo madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray Upper Volta.

Dowladii Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland” ayaa hormood ka noqotay raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen Somalida waqooyi barri ee dalka Kiiniya (kenia), Somalida degan gobolka galbeedka Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Somaliland, si loo hello midnimadii shantii soomaaliyeed, waxay Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqotay midowgii koonfurta Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali Republic”, oo wada jiray mudo 9-Sannadood ah, ka dibna, waxa iqlaab militariy ku qabsaday ciidamadii taliskii Maxamed Siyaad Barre.

In ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xooggagii jabhadii SNM, ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii, waxaanay haddana isla-sannadkaasi la dhalatay 23-kan Dal ee qaatay madax-banaanida, kuwaasoo kala ahaa:- Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Azerbaijan, Kazakhstan.
22- kaa dal laba goor lama aqoonsan ee waxa la aqoonsaday hal mar oo kaliyaata, Somaliland uma baahna aqoonsi ay aqoonsadaan dalalka shisheeyaha ahi ama ay ku dhawaaqaan in ay aqoonsan yihiin, sababtoo ah waxa la aqoonsadaa dal ka go’ay dal kale, laakiin, Jamhuuriyadda Somaliland waa dal aduunkoo dhami uu u aqoonsan yahay in uu ahaa dal xornimadiisii iyo madax-banaanidiisii ka qaatay maxmiyadii uu u ahaa boqortooyadii Ingiriiska, ka dibna la soo noqday madax-banaanidiisii, markaa umaba baahna aqoonsi uu ka sugu dalalka aduunka, sababtoo ah dal laba goor lama wada-aqoonsado, ee horaa Somaliland loo aqoonsaday, balse arrinka kaliyaata ee la gudbooni uu yahay in Somaliland saaxiibo badan ku yeelato waddamada caalamka. Runtana Allaa Og.
Somaliland waa dalka kaliyaata ee dadka ku nooli ay yihiin hal-qoys oo isku diin ah, isku-dhaqan ah, isku-luuqad ah, isku-sinji ah, isku-isir wadaaga marka loo eego dunida inteeda kale.
Sababaha dhaliya kala go’ida, ka go’ida iyo kala noqoshada laba dal ama dal, waxa lagu tilmaamaa dhinaca diinta, dhaqanka, luuqada, jinsiga iyo isirka, kamay fogeyn sababihii ku keenay in dalka Bakistan ka go’o dalka Hindiya.
Dadka Hindida waxay intoo badan caabudi jiray Lo’da, halka ay dadka reer Bakistaana ay dhaqan jireen, isla markaana hilibkoodana cuni jiray, kadibna waxay arrintaasi ku keentay isku dhac colaadeed iyo inay dagaalo dhexmaraan Hindidii iyo Bakistaaniyiinta wada degenayd dalka hindiya, waxaanay u arkayeen Hindidu in maalin kasta mid ka mid ah IIlaahyadoodii la gowraco, isla-markaana ay cunaan hilibkooda dadka reer Bakistan.
Haddaba marka aynu eegno koonfurta Soomaaliya ee la baxday dowladda Federalka Soomaaliya waxa u sabab ah inay yeeshaan 8-deed madax-weyne oo ka kala taliya sida, Ximan iyo Xeeb, Galmudug, Xamar, Galbeedka Xamar, Putland, Kismaayo, Ehlusunna-wajamaaca iyo Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo leh 238 wasiir iyo in ka badan 400 oo xildhibaan.
Waxaana lagu qiyaasaa inay ku nool in ka badan 10-qoomiyadood oo ku kala duwan dhinaca dhaqanka, diinta, luuqada, sinjiyadda, isirka ay ka soo kala jeedaan, waxaana lagu sheegaa in lagaga hadlo in ka badan 10-luuqadood oo kala ah, sida:-
Af-Bajuuni oo ah luuqad u dhow afka Sawaaxiliga oo ay ku hadlaan dadka bajuuniga ah ee degan Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya, dhalasho ahaan ka soo jeeda TUUNI oo ka mid ah qabiilada la yidhaahdo, Digil iyo Midhifle.
Magacyad deegaamada ay degen yihiina waxa lagu tilmaamaa inay yihii Af-baajuuni sida:- Sanguuni, Kibsuuma, Kumbareera, Af-midow turdhi, Kismaayo oo macno ahaan noqonaysa (KISIMA “Ceel” Yoo “ Dheer “).
Af-Banaadiri waa luuqad ay ku hadlaan dadka banaadiriga ee degan koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga dalka Kenya, kana soo jeedaan Afrika iyo beershiya (Iran) in kastoo ay la baxaan ragoodu magacayada sida: Iikar,Yaamad, Macaloo, Muriidi, Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo, halka dumarkooduna ay la baxaan sida:- Maanfaay, Baa’iishe, Daadooy, Biibi, baa’ita, haameey, Abaasti, Daadooy, Roonooy, Baabinti, IWM, dhanka maahmaahyada waxa ka mid ah sida:- Dadayasho doorabo ka uurowti, Erbet aruurti misaar, Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi, La faltee la beeqtee ka roon.
Af-Baraawe waa luuqad af-sawaaxiliga u dhow oo ay ku hadlaan reer baraawe iyo banaadirugu , oo asal ahaan lagu sheego inay ka soo jeedaan boortaqiiska.
Af-Dabarre ama  Af-Ciroole  oo ah luuqad u dhow Af-maay taasi oo ay ku hadlaan Dabarlaha iyo Ciroolaha dega gobolka bay, Jubada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya
Af-Garre  waxa lagu tilmaamaa inay u dhow-dahay luuqada af-baayga oo ay ku hadlaan garraha degan shabeelada hoose ee koonfurta Soomaaliya,
Af-jiido waa luuqad ay ku hadlaan jiidaha degan shabeelada hoose , bay iyo jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya
Af-tuuni waa luuqad ay ku hadlaan Tuuniga degan shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee koo furta soomaaliya.
Af-maay waa luuqad ay ku hadlaan Maay-maayga degan koonfurta Soomaaliya, erayada luuqadaas waxa ka mid ah:- matha dhuura” madax-xanuun” qaathasha “ guurka, Kood “qosol” birooyma “gudniinka “ hangfar”dabeel” owaraad “Xalay” surung “istaag” nyaanyuur, “ bisada”  maanya “bada” mid ka mid ah gabayadooda oo dhigan sidan : Aaw Rewinoow ul malaag ing fuully, eleeng liing fiiriya arryng luku sughaaw, eretybyho ky eediyoony ly etheegsythaw, umyty liing eleeyo ilkoo liing edaayaw, Allyma ay kiingly moqyng, Unugi af gaapyno owaadjkey yeraathy, aathisba ilduufase iyow hang towaane.

Af-Gosha  waa luuqad ay ku hadlaan Jareer, Gosha or Mushunguli degan Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Koonfurta somaliya waxaana la yidhaa Somali bantu, iyo Af-Somaliga oo ay yar yihiin dadka ku hadla koonfurta soomaaliya.
Dhinaca cilmi falagga waxay xidhiidh wadaagaan Yementa iyo koonfurta Soomaaliya , laakiinse, waxay Yamentu kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya waa dad leh dhaqan qudha oo soo jireen ah, sidaa daraadeed waxay ku suntan tahay dhiig iyo colaad aan dhammaad lahayn koonfurta Soomaaliya, lagama yaabo in gobolka ka mid ah koonfurta soomaaliya uu ka go.o Runta Allaa Og.
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker