Maydkii Lugaynayay.

Gef baa laba qof oo shahwaddooda gudanayaa iga galeen, noloshuna i may soo dhawayn oo sacabbada ii may kala furin e dabaday ii soo jeedisay. Horta maxay ii dhaleen kuwii i dhalay? Mooji, kaligay uun ma ahee maxay tobankan iila dhaleen, horta maxaa bulshada wada dhala uun ku yidhi? Mooji . Oo haaye maxay halkan iigu dhaleen? Mooji. Nasiib xumidayda intaas oo xawo baan kaligay ka badbaaday oo gaadhay beedkii hooyaday. Nasiib xumi soo jiitantaa halkan i dhigtay maanta, oo horta ma cid baa iga nasiib wanaagsanaatay? U malayn maayo taas. Afrika ku dhalo, Soomaali ka dhalo, xilli wax walba dumeen dhalo. Waar maymay cid i dhaantaa ma jirto, naftaa wada haysa dadkan, waa duni riwaayada, waa dal riwaayada, dad riwaayada, dawlad isku sheeg riwaayada, in aan matalo riwaayadahaas ayaa anna layga rabay se waan ku fashilmay taa. Haahey hoog baa ii sugnaaday, mayee noo wada sugnaaday inta halkan ila joogta.

Soddon sanno baan jirsaday imika, hadda waa soddon, shan sanno ayaan nafsad ahaan u mootanaa haa waa shan. Qofku marka uu shan iyo labaatan ku jirsado noloshan ayuu geeryoodaa, inta kale waa mayd lugaynaya, runtii mayd lugaynaya. Noloshaydii dhallaannimo rafaad bay ahayd, wax aan jecelahay iyo wax aan xiiseeyo toona waalidkay midh kama galin, waalidka uun ma aha e bulshada oo dhan waxba kama aysan galin. Waxbarasho malcaamad ka bilaabanta ayay iigu socod bareen, luuqad carabi ah baa la ii dhigi jirey oo la iguna dili jirey haddaan si sax ah u keeni waayo. Geed baa la isku xidhi jirey wada jinac ah saa walibana ul lagu garaaci jirey kii gafa, ushana ardaydaa gacantooda ku soo goosan jirtey. Loox ani iga culus baan dhabarka ku sii raran jirey iyo daasadda aan ku fadhiisanayo. Waqtiyada qaar khadka wax lagu qorayo ee sonkorta leh ayaan macallinka ka yara xadi jirey oon cuni jirey. Markii aan intaa ka yara koreyna madarasad wadaaddo dabeecad xumi leeyihiin baa la igu daray, ciqaab bay ii dhammeeyeen mid maskaxeed oo canaan ah iyo mid jidheedba. Intaa kolkaan ka soo samato baxay—mayee aan la soo silcay— baa aabbahay igu yidhi guurso, oo dabadeedna? Dee dhaldhal sidaan anba iskaga kaa dhalay. Firxadkii aan halkaa ka soo qaaday baan dhul shisheeye nolol ka duwan tii cadaabta ahayd u soo doontay. Waa halka dib u sixidda qaladaadki hore aan ka bilaabay. Dhakhtar nafsadeed baan samaysatay oon toddobaadkiiba maalin is waraysi yeelanno. Dhakhtarkan aan helooday wax badan ayuu noloshayda ka beddelay, sidaas yaanan odhan ee wax badan oo uurkayga gubayay ayaa bannaanka u soo baxay anigana urugadii i haysay iga gooyay. Sidaan doono ayaan imika ula hadli karaa dhakhtarkayga aniga oo sidaan doono ugu xaal warramaya.

Intaas oo maalmood kadib dhakhtarkii isma aanan arag, se galabta ayaanu ballansanayn, iyana way na seegtay oo inaan berri gelinka hore kulanno ayay noqotay, siday doonto ha noqoto, se kollayba waa berri iyo dhakhtarkaygii oo aan is arki doono. Caawa ayaa timi, iyana baar isaguna halaag ah oo ciilka adduunka iyo qaxarkii oo lugaynaya cagaha iga soo geliya ayaan dan moodayaa oo dhankiisa xilligaa u sii luudayaa aniga oo aad mooddo in garbahayga farda badxaw ah ku farandulleeyeen oo intaan gorodda hoos u rogay garbaha nuuxinaya sidii inaan goobbo yeeshay oo kale. Irridka markaan soo istaagay baa la i saaqay oo ur iyo qaylaba la i rooray, dabadeed aniga oo yaabka dhabannada isleh ma daalisaa ayaan dalaq idhi. Waxa ay labadayda indhood arkeen gabadh iyana indhuhu goteen oo xabbad sigaar ah oo daallan qiijinaysa, si xun oo nuxuus ah ayay ii soo eegaysaa, labada xadhig ee keeshaliga ayaad mooda in mid go’ay sida naaska midig kor uga soo baxay godkiisa isaga oo aad mooddo in xantoobo degdeg ah lagu xaday, hadday doonto sidii baasayd bay jidhkeeda shilimaan yaryar u siisataa, maxaan ka ogahay, hadday doonto sidii bay naasaheeda ku ganacsataa, ma anigaa aqaan, armay sidan ugu baxdaa oo galmada sidan oo kale xallad uga raadisaa. Iska daa, ceebteeda ma aha ee waa caadeed. In yar ayay kursiga ka soo yara hinqatay iyada oo timaheeda midba meel u cararay uruurinaysa, dabadeed intay sacabbo madmadow oo uskag ah wejigeeda ku masaxday oo dibnaha muudsatay ayay mar kale ii celisay indho gorof ah oo aad mooddo inay ilamaynayaan, se aniga si gaar ah iigu soo maqan, isla markiiba wax baa sida danabka i xulay oo intaan ka naxay ayaan soo ag fariistay, waa ta hadal aan jiho lahayn iska bilowday:

–  maxaa ku helay?

– Waxba!

Sidii qof aan hadal u baahnayn ayay iigu jawaabtay, se intaas kuma aan joogsan ee inaan toos u dhex dabbaasho badaha qaxarka iyo kulaylka ee iyada oo mudh iyo gacan ah ka soo baxday ayaan damcay, isla markaana hadal kale oo isaguna sidii nabarka oo kale belelaya ayaan ku celiyay.

– Ma waxbaba! Haddaba maxaa sidan kaa dhigay oo nolosha sidan u kadeedan ku baday? Bal ayaa sidan baas kuu galay oo ku luggooyay?

– Ma nolol aynu dooranno ayaad ogtahay? Wax waliba waa fursad, tabtaas ayayna ku samaysmaan walxahan aad aragtid, dabadeedna doorannaa..

– Halkee waxbarashada ka gaadhay? Sidii qof wax bartay oo kale ayaad u hadlaysaaye..

– Dugsiga sare ayaan kaga hadhay, se inta badan wax baan akhriyaa.

– Waa hagaag, se hal mid ma ku waydiin karaa? Magacaa? May, may, iska dhaaf.. Iska daa.

– Maya, i waydii, dheh oo i waydii. Waxa la i yidhaah Hirat, Adna?

– Anna Ilyaas. Maxaad, een, maxaa kugu kallifay inaad jidhkaaga ka ganacsatid? Ma sidan ayay kuugu baxdaa?

– Waalidkey waxay dhinteen anoo yar, guriga ayayday baan ku soo korey, siddeed iyo toban jir markaan ahaa ayay iyana dhimatay, in aan xoogsado ayaan ku fekeray, se wax walba waan ku guuldarraystay aan ahayn inaan jidhkayga ka ganacsado oo kolba bahal hammo la wareersani dusha igaga yimaaddo, noloshan cid sooma dhawayso, saasoy tahay qowmiyado badan baannu nahay, fursad kasta waxa isku koobtay laba qawmiyadood, waana meel ay haystaan dadkii akhlaaqda ka arradnaa ee hantigoosadku, duni rogan, dad rafaadsan iyo dareen raran oon laga run sheegin baan dacalkayga haystaa.

-waa run oo akhlaaq ma lahan hantigoosadku,

– adiga halkan maxaad u timi ma inaad nafisto sida dadka kale?

-may anigu galmada wax micno leh uma haysto waa wax aan dhaafsiisnayn sagaal seken, intaa wixii ka danbeeya halaaggii aad ku jirtay awalba ayaa albaabka kuu soo istaagaya.

– haddaa maxaa meheraddan ku keenay eed anigana ii kiraysatay?

– waligay gabadh lama aanan seexan, dareenka ah in gabadh bogga iyadoo kuugu jirta timaheegana aad ku ciyaarayso aad gama’did subaxniina aad ku waabariisatid iyada oo ku ag jiifta ayaan tijaabinayay.

– haa sax.

– Hirat,maxaa ugu badan eed ka fekertaa inta aad shaqadan waday?

– in aan is dilo

– amba waa ay igu soo dhacdaa fikraddaasi,

– haa waan ka fekeraa badi, haddadan xitaa way ku jirtaa maskaxdayda se halkeen tagaa aan dhintaba e, ma nolol tan ka danbaysaa jirta oo tan dhaanta?

– sida ay diimuhu sheegaan haa mid dan baa jirta, waxa innaga maqan ma ogaan karno wali. Diin miyaanad haysan? Igana raali ahow su’aashan waxyaabaha gaarka ah weeyaane se habkan aad uga fekerayso nolosha danbe ayuun baan ku keenay e.

– anigu waan ku dhashay uun diinta oo ma dooran, mana sameeyo waxan ay i farayso, waan iska noolahay uun.

– waa la iska wada noolyahay uun. Haye iska seexo oo ku led inaad nolol tan ka wacan kuu danbayn doonto, koobkan qadhaadh sii kabbo oo qolkii aad, iskana hurdo doonno. Waataas oo waqtigaan inoo saamixin in aynu caawa is agjiifsanno e, se la sheekaysigaagu ba wax wayn buu ii ahaa.

– soddon iyo dheeraad sanno ayaan nolol tan ka duwan nafta ku sasabayay in ay heli doonto, se maxaa iga galay wixii iman doona, waxan aan hadda ku jiro uun in aan ku raaxaysto ayaan isku dayi.

Sidan baarka u fadhiyay ee Hirat oo marba wejigeedu soo dhalaalayo i hor fadhido ayaa waagu soo guduutay, oo qorraxda oo aad mooddo inay ruclaynayso dhankaa bari ilayska kala soo ruclaysay, dabadeed si yar oo isku xigta ilayska u sii baahay oo daaqadaha dhalada ah ee baarka falaadhaha cadceeddu u soo kala tartameen, kadibna miiska noo dhaxeeyay fallaadhuha barkadeen sidii inay ku dhacayaan xareed bannaanka wadhan. In yar kadib baan bartii ka huleelay oo aniga oo il iyo baal is gelin dhakhtarkii ku kallahay, waa tabtii aan shalay dhakhtarka ku sugay, oo aniga oo meehannaabaya ayaan saakana dhakhtarkii ku sii socdaa si aan ugu warramo, waxa uurka gubayaa waa aamuskee, ma adkaysi baa ufan looga dhigayaa, illintiyo huqdiyo, ololahaa soo igbaaraya ruuxdayda daallan ee basanbaasku haysto.

Inantu waa runteed ee ma nolol is beddelaysaa ayaad aragtaa oo kuu soo muuqata? May. Dee haddaba iska noolow uun. Talow se kan gadhka wayn ee aad jaarka tihiin isba sidan ma u eegaa nolosha? Kolley ma aha mid cunto iyo galmo uu caqligiisu dhaafsiisan yahay waa mid cisilkiisa iyo calooshiisa  la caqli ah oo waa kan saddexda naagood qaba. Horta maalinkii dhawayd eed is qabsateen markaad gabadha la socotay diraca khafiifka ahaa xidhnayd muxu ka waday Ilaahay ka baq! Ma inanta lebbiska quruxda badan ee isku kay soo barfuumaysay buu hinaase ka qaaday? Kolley diin iyo wax buu ka hadlaye miyaanu ogayn in gabadh xorriyaddeeda laga qaaday diintu u ogoshahay in la addoonsan karo, taasba miyuu eego intuu ka gubanayo gabadh xorriyaddeeda iskugu kaa soo qurxisay. Malaha waxaasi diin ma aha? Mooji anigu ku dawakhay, se yaa ku yidhaah uun iga aamus, alla ku neceba, dhimo oo godka ku ur dheh. Alla qabaygu xumaayaa.. Se waxay arriniba joogtaa, daqiiqadaha ayaa is cunaya iyaga oo ku sii ordaya saacaddii aan dhakhtarka ballansanayn oo iyaduna sanka igu haysa. Waa aroor hore oo dhaxan yalax leh ayaa dhacaysa, cirka fad cad baa isku qariyay, dhulkuna waa qabow oo dhaxantaas ayaa taabatay. Se waxaas oo dhan waxaan ku illaaway qolka dhakhtarka oo diirrimaad lahaa, waa qol yar oo aad mooddid in isaga iyo martida loogu tala galay. Fadhi madow oo laba qof ku fadhida ayaa geeska bidix yaalla, isaguna miis iyo kursi yar ayuu dhexdeeda si raaxo leh kursiga ugu santeecsanyahay, dabadeed markaan kadinka ka soo galay ayuu hal mar inta uu is toosiyay si diirran aan isu nabdaadidinay, kadib baan sheekada u dhaadhacnay oo isaga oo suxullada inta uu miiska ku muday oo gadhka iyo gacmaha isa saaray si wacan oo deggan ii soo eegay, waa ka i waydiiyay:

– War Ilyaas maxaa jira, bal ii warran? Ayuu igu yidhi isaga oo aan weli sidii iska beddelin oo suxullada ku haya miiska, indhahan igu soo wada jeediyay.

– Maxaan kaaga warrami meel aan ka bilaababa garan maayee, waxaanan garanaynba micnaha la ii dhalay een halkan u joogo, halka wax walba ka yimaaddeen iyo halka aan u socdo iyo micnaha guud ee noloshaba.

Run ahaantii sidaa aan ugu jawaabay ayaa iga sal ahayd, oo macna darrada oo dhan baa maskaxdayda lagu soo uruuriyay sida qashinka oo kale.

– Adeer muhim ma aha micnaha la guu dhalay inaad ogaatid se mid baan kuu sheegayaa, wax insaanka iyo noolayaasha kalaba u dhalaan waa in jiinaatkoodu sii waaro, labada ku dhalay hadaf aanay ku baraarugsanayn oo ay kuu dhaleen baa jira, waa in ay sii waaraan baan ku idhi jiinaatkoodu, in aanay dabar go’in, magacooguna sii jiro, jiin anaani ah baa nafteena ku jira e maxaa kalee aad ka cabanaysaa ood dareentaa?

– Waxaan ka cabanayaa hurdo la’aan daran waxa kale oo aan dareemaa sidii oo uu naqasku igu qabanayo oo kale, dabadeed neeftu igu dhegtaa. Jidhka oo dhan baa bilaa awood i noqda oo socodkaa xitaa igu adkaada. Wax walba waan sanifsanahay oo wax i xiiso galiyaa ma jirto, wax aan qaban karaana ma jirto aan ahayn inaan jiifo oo hurdada miciin bido. Kalsoonidii baa iga dhimatay . Qof ma xidhiidhin karo oo waan nacay cid walba. . Intaa waan isla hadlayaa oo maskaxda i guuxaysaa, waxa dhacaya, waxa dhici kara iyo sida wax yihiin baan isa su’aalayaa sidaas oo ay tahay haddana hal weedh afkayga lagama helayo, waa ii guux maskaxeed uun. Asxaabta markan la joogo lama sheekeysto waxa ay ka sheekenayaanna kama helo, maalin ilaa habeen inta weedhood een idhaahdo waa tirsan yihiin. Waxa i qabata in aan kor u qayliyo. Marmarna keligay ayaa oohin ciirsada intaan rubbada is geliyo. Diiqad iyo walaac baas baa intaas i walwaalanaya. Nolosha oo dhan baa bilaa micne ii noqotay. In aanan dawo helayn oo xanuunkan iga tagayn baan aaminay. Waan dhibbanahay oo sidaan u joogo ayuun baan is beddelayaa. Mar farxad waaliya ayaan leeyahay marna murugo badan deeto waan ka dhex baxayaa asxaabta ila joogta, waanan ku qaylinayaa ciddi ila hadasha, marmar caadi baan ahay oo waan u tagaa subax ama galabtii , se habeenki markay gaadho ma garanayo sababta waan is beddelayaa uun, deeto qolkaygaan ku so cararayaa oon ka dhex qaylinaya ama ka dhex ooyayaa. Gooni baan u joogayaa. Waqtiyada qaarna goonida i dhibta oo dadkaan ka codsanayaa inay ila seexdaan. Farxaddan la sheego ma arko, wax walba sameeyay oo ma helo. Ma qoslo inta badan, haddiise aan qoslo in ay dadku aragagaxaan oo asxaabtu ila yaabto ayay u badan tahay.

-Muhim ma aha adeer farxad inaad raadiso ood qososho se waxa muhim ah inaad xaalad deggenaanshiiyo ah ku sugan tahay e waxaad ii sheegtaa saaxibad ma leedahay?

– May ma lihi.

– Goor galmo kuugu danbaysay ma xasuusataa?

– May ma xasuusto se gabadh aan la  seexdo ase aanay wax kale oon sheeko ahayni na kala dhex marin baa jirta, haa waan is waraysannaa uun, iyo wehel aan ka dayo si ay iigu noqoto.

– Ilyaas adeer hab fekerkaaga ayay wax ka qaldan yihiin, sidaad u fekerayso in ay maamusho sidaad u dhaqmaysid miyaanad ogayn? I dhagayso Habfekerkeenna ayaa saameeya habdhaqankeenna, kaas oo isaguna sii saameeya shakhsiyaddeenna. Dabadeed shakhsiyaddeennu waxay noqotaa habdhaqanno caado u eg, oo iyaguna markooda qeexa habfekerkeenna. adduunku waa wada fan, fan aad u qurux badan, wax kalaba halkaa dhigoo miyuusik baad helaysaa, bal nolosha sidan aad u aragtid oo bilaa heeso ah sawiro intaad indhaha isku qabatid, haa isku qabo oo is hor keen.

– Waa nolol macne la’aan ah oo halaag ah.

– Haddaba miyaaraddan aad xidhan tahay eed wax ku eegayso iska siib oo mid kale oo qurux arkaysa xidho, Socrates su’aalihisi is waydii mandiqa ahaa, xaggan aad dhan kaliya wax uga eegaysid ma ahee dhanyow badan wax ka eeg. imika waxan kuu qori kiniin kaa caawiya hurdo la’aanta iyo mid isku buuqa kaa kala dajiya, bil ka bacdina igu soo laabo.

Maalmaha iyo saacaduhuba iyaga oo tabtaas u idlaanaya ayay soo gashay ballantii dhakhtarku, se wax jawaab ah oo aan ku celiyo aniga oo aan hayn ayaan hortiisa isa soo duuduubay, dabadeed waydiin iyaduba xanuun kulul ayuu i waydiiyay, ha u tegi lahaydaa!

Bal nafyayay, maxaa is beddelay intaas, bishaas oo dhan maxaa is beddelay, dee waa waxba. Hadda waa waxbaba, wax walba waa sidoodi, maxaa xal ah? Kiniinkan uu ku soo qorey wada liq gabigoodaba si wadnuhu isku kaa taago. Talow maxay odhan markaad dhimato dadkii kugu hareeraysnaa? Fuley buu ahaa, sidan buu ahaa, si kaluu ahaa…. qushigooda, miyaanay ogayn qofka noloshan go’aan ka qaata inuu ka geesisan yahay ka iskaga dhex nool. Hortii kii wadaadka ahaa ee aad jaarka ahaydeen ee ku necbaa baa farxi saa uu qabrigaaga tagi oo kolba qooraansan in mas ka soo baxay meeshan la qodayo. Qushiigiis, ma haddaan dhintay horaan u go’aye, hadda mayd lugaynaya ayuun baan ahaa.

Cabdifataax Carab Maxamuud

Abdifatah933@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker