Belgium: Nin Ka Tirsanaa Militariga dalka Belgium Oo Laga Cabdi Qabo Inuu Weerar Gaysto

Nin Askari ah oo horay uga tirsanaa militariga dalka Belgium oo lagu magacaabo JURGEN ayaa ku jira dhuumaaleysi laga bilaabo taariikhdu marki ay ahayd 19-kii bisha May kedib markii ay soo shaac baxday inuu heysto hub farabadan iyo bambooyin, iyadoo islamar ahaantaana uu u hanjabay mid ka mid ah diblomaasiyiinta dalka.

Waxaana  la xidhay xudduuudaha dalalka Holland iyo Germany, gaar ahaa qeybaha ku dhow halka uu Mr. JURGEN ku dhuumaaleysanayey, iyadoo ay booliisku  gurigiisa ka heleen  hub iyo bambooyin.

Halka lagu tilmaamay inuu ku dhuumaaleysanayo ayaa ah deegaan dad Soomaali ahna ay ku nool yihiin oo loo yaqaan LUMBERG. Lumberg waxay leedahay meel howd ah halkaasoo qofki bilo ku dhexjiray ay adag tahay inay cidi aragto laakiin booliiska dalka Belgium oo isticmaalaya diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopters ayaa ilaa iyo hadda aan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan JURGEN.

JURGEN wuxuu ahaa nin muddo badan laga cabsi qabay, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay argagixiso. Ninkani oo ay militariga fiiro gaar ah u lahaayeen iyadoo laga hayey ilaalo meelwalbana kaamirad loogu xidhay ayaa hadana si qarsoodi ah ku galay xarunta hubka ku keydsan yahay dabadeedna hub badan la soo baxsaday.

Dhinaca kale dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Belgium gaar ahaan deegaannada ku dhowdhow halka uu JURGEN ku dhuumaaleysanayo ayaa cabsi weyn lasoo deristay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker