Sayaasi Jawar Maxamed Oo ka Hadlay Khilaafka U Dhexeeya Masar & Itoobiya.

Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xidheenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayso webiga Blue Nile ayaa bilihii dambe sii xoogeystay.

 

Jawar Maxamed oo lagu sheego inuu yahay ninkii sababta u ahaa inuu isbeddel ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn ayaa fariin uu bartisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Itoobiya aysan ka Walaacsanayn Cabashada Masar.

 

“Ma’ahan inaan ka walaacno Arrimaha ku saabsan Masar iyo dagaalka ka dhalan kara. Waa arrin faa’iido ugu jirta siyaasadda dalkooda. Dhibkeenna waa faragelin nooga timaada Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Xalka ugu dambeeya waa in la dhiso biyo-xireenka hanjabaad walba oo ka timaado.” Ayuu yidhi Jawar Maxamed.

 

 

Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo.

 

Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto.

 

 

Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker