Muqdisho: Sarkaal lagu tuhmayo weerar hoobiye oo lasoo qabtay

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo qabteen sarkaal hoggaaminayey koox weerar hoobiye kusoo qaaday magaalada Muqdisho.

Weerarkaas oo dhacay 25-kii June ayaan wax khasaare ah ka gaysan magaalada caasimadda ah, waxaana boolisku ay sheegeen in loo adeegsaday gantaallo macmal ah.

“Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen ciidamada qaabilsan sugidda amniga caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Tuhmanaha lasoo qabtay ayey booliska magaciisa ku sheegeen Xuseen Cali Deerow Buulle, waxayna intaas ku dareen in la horgeyn doonaa maxkamad.

Dhinaca kale, booliska ayaa sheegay inay ka hortageen gentaallo rakiban oo aan wali la ridin, kuwaasi oo caasimadda lagu soo weerari lahaa, waxayna sheegeen in lagu burburiyay isla goobta.

Kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata weerarada hoobiye ee ka dhaca Muqdisho, ayaan ka hadlin weerarkii ugu dambeeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker