Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore ee Dalka Ciraaq oo Geeriyooday

Saraakiisha Xisbigii Hantiwadaaga ee laga mamnuucay WadankanCiraaq ee lagu Magacaabi Jiray Albacas.

 

Ayaa shaaca ka qaaday in uu Geeriyooday Hogaamiye caan ah oo ka tirsanaa xisbigaas oo la Odhan jiray Cizat Al Dowri kaas oo da’diisu lagu sheegay 78.

 

 

Cizzat wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Ciraaq xilliggii uu dalkaas ka talinayay Madaxwaynihii Ay Reer Galbeedku Qaarajiyeen ee AHN Saddaam Xuseen.

 

 

“Gudaha dhulka Ciraaq iyo dhulka halyeyada ee mujaahidiinta waxaa ku geeriyooday Cizat Ibraahim Al Dowri oo ka tirsanaa xisbiga Bacath iyo dhaqdhaqaaaqii Iska caabinta ee Qaranka Ciraaq

Ayaa lagu yidhi cod lasoo geliyay bogga Facebook uu ku leeyahay Xisbiga.

 

 

Al Dowri wuxuu dhashay 1-dii bishii July Sanadkii 1942-dii, wuxuu qabtay Hoggaanka Xisbiga kaddib markii la dal dalay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen dabayaaqadii sanadkii 2006-dii.

 

 

Bishii April ee Sanadkii 2015-kii, dowladda Ciraaq waxay shaacisay in Cizat Al Dowry iyo ilaaladiisa lagu dilay meel u dhaw buuraha Xamreyn oo dhaca waqooyiga caasimadda Baqddaad, Balse waxaa la xaqiijiyay in warkaas uu been ahaa Maalmo ka dib.

 

Lamana ogo kaalintii uu ka qaatay ninkan howgalkii ka dhanka ahaa duullaankii Mareykanka ee Ciraaq balse waxaa soo baxayay codad uu soo duubay ninkan oo uu ugu baaqay shacabka inay sameeyaan iska caabin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker