Raisul Wasaare loo Maxkamadeynayo ku lug Lahaashaha Dilka Xaaskiisa.

Booliska dalka Lesotho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas, Thomas Thabane, oo da’diisu ay tahay 80 sano jir maanta oo Jimce ah loo maxkamadeyn doona dilka xaaskiisi hore, Lipolelo Thabane.

 

Thabane ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo bisha July ee sanadkan, isagoo sheegay inuu hawlgab noqonayo.

Xaaska uu haatan qabo ayaa sidoo kale dhawaan lagu so eedeeyay inay dishay xaaskii lala qabay. Waxa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo inay ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya.

 

Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, ka hor inta uusan Thabane noqon ra’iisul wasaare.

Xilliga la dilayey waxaa uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay ra’iisul wasaare Thabane, waxaana xilligaas uu ra’iisul wasaaraha la joogay xaaska uu hataan qabo ee Maesaiah.

 

Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay axmaqnimo, balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa dilka xaaskiisa, iyagoo sheegay iney hayaan cadeymo lagu maxkamadeyn karo.

Waxaa lagu soo warramayaa inay adag tahay in ra’iisul wasaraaha Lesotho uu arintan ka weecdo, waxaana taas ay dalka Lesotho u horseedi doontaa dhibaato dhanka dastuurka ah, maadaama hogaamiye xil haya aanan maxkamad lasoo taagi karin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker