LABA TIXOOD OO IS BARKAN OO ISKU UJEEDO AH KUNA SAABSAN BUUGA AADKA LOOGA QAYLIYAY EE UU QORAY NINKA EEDAY BUUGAA UU DAABACAY EE GURI SADHEEYE

LABA TIXOOD OO IS BARKAN OO ISKU UJEEDO AH

KUNA SAABSAN BUUGA AADKA LOOGA QAYLIYAY

EE UU QORAY NINKA EEDAY BUUGAA UU DAABACAY

EE GURI SADHEEYE LOO BIXIYAY ISKU DUBE RIDAHA

TIXUHUNA WAA ISMAACIIL FAALIYE

———————————————————-

waxa soo baxaya buuq kale buugii uu qoray

wasiir ku sheega warfaafintu oo mar kale

dib u istaadhmay hadaba waxa ciladan danbe

kiciyay ayaa la lee yahay waxa la magacaabay

totoba xubnood oo guti ahaan la yidhi buugaa

soo akhriya kana soo saara go,aan kama danbays ah

markiise ay go,aan ku soo saareen in buuga la gubo

waxa la lee yahay waa la kala diray gudidii manay

hadal ilaa hada kooxdaasi cid kastaana way ka amus

tay buugan sida baar lamaanka ninka buuga qoray

odayaasha beeshiisa xukumada guurtida saleebaan

gaal gadh wadeenka ka yahay manay odhan buugan

waxan lagaga cabanayoo kuma yaalaan oo qalad

kumaanu aragg mana odhanayaa buugan dadka ha

laga qabto taasina waxa ku tusaysaa inuu buugani

xaraann xaraani dhashay uu yahay hadaan waxa

laga qabana wuxuu jidayn karaa wado cusubna u

furi doonaa buugaag jaanta rogan la yidhaado

macnahan anigu u argaana waxa weeye jigjigaay

maydkaaga sido dumaroowna buugan caydiinu

hayskaga taalo waxaanse lee yahay dab dumar

istaadhay sidaa kuma damo,e bal aynu eegno

halkay ku danbayso tixdina waxay tidhi sidan

—————————————————————-

alaa boqori goortuu rakibay dunidan baaceedan

binu,aadmi xaawa jiriyo qoys bahdeed qudhahe

dhabarkiyo bogeedaba kuwii soo barkimo seexday

isa seega beerkiyo wadnii buda halbowliiye

ficill bii walaallnimo sharkiyo baadill loo fallo.e

xinjirr bururrta dumarbaa sababay lays dil beegsado,e

birtuu mariyay habiil qabiill baalahuu jaraye

bar-baarteenan joogtiyo ilaa koonkan bilowgiisa

iyo maanta oo uu batuu duni dad buux dhaafshay

baladoodu taagnayd haween waa baryoo yimiye

baryahaaba caydii habluhu bilistu sheegaysay

markaan kaligay baandheeyayeen cabashadoodd baadhay

ana bogashadaydii tixbaan soo ban dhigayaaye

guri biiye buukuu kufsaday buuqi hadhiwaaye

fidno iyo bayaan qoran ayaan baabab loo furine

jaanta iyo boqnaha roga sidaa yuu badkeen noqone

bililiqiyo taariikh saxnaynn oo bugaa dhiciye

bulshadana falkaa dhibay waxay cadho la buuftaantay

cidbaa toodan beenayn lahay aan bun dhimahayne

beeshan xarafna baqood hubaal waa la tabayaaye

shir booliyase shakibaan qabaa loo balamay shawrre

dhashii boqorna hablihii ahaa baar sare haybta

burhaanta lahaa iyo burjiga loo hidaha raaco

qayrrkood bilic wax dheeraa markaad baal kasta ka eegto

ball rag guurna koodii damcaa beegsan jirin biigu

xeer beegti may helin gabdhahan run u badheedhaaye

malaa bixiso weeyaan waxa kale buun u tumayaane

ha jeclaanin beerkiyo aduu baariidd xaydhaba

talo laba boglaynn ma leh hadaadd baajin kari dhiige

muuse biixi danbigaa badhkii waa barr kugu taale

madax wayne hays burin adoo baawarrkeeda lehe

beelna maaha ruuxii faxshiga xumu bilkeedaaye

gudi baraqq nuglaatiyo iyagu waa rag baqay uune

soo baxaa go,aankee hadana baaqday maan garane

qaladaaddka basharrbuu yahay wiill bariiqsaday

culayskiisa buur hayga dhigan dayrr biroo adage

xilkan uu banaayeeyiyo xalkuna buug gubuu noqone

jiidankaasi waa uu batoo baanisuu tagaye

balo madaxa mooyoo ma ogi boodinteed qabo,e

bi,waaye muusoow halkaa horu dhamee biixi

hadii kale baraadd garan bar uu dhalin ka maah-maahay

—————————————————————————

tixdana waxay soo baxday markay sheekada

buuguu bilaabantay ee ugu horaysa soona

shaaca baxday waxaan tanina ku bilaabantay

————————————————————-

Dumarka waxa laga mataalaa hooyadaa
Walashaa xaaskaaga iyo inantaad dhashay
Inta kale intaas uunbay ka farcantaa hadaba
Ball waxaan gabaygan ku jira kuna magac
Dhabay hooyaday waris cali rooble iyo inanta
Yta caruurrtayga ugu waynn oo magaceeda
La yidhaahdo marwa tixtina iyadoo la hadlaysa
Waddarr sadheeye waxay tidhi sida tan
———————————————————————-
wuxuu nin ragi ka wiyiigabuu caaq wanaagg bidiye

wax xun lama jideeyiyo wadada lagu waniiqmaaye

waalibay hor kacaysaa xaqoo weecsamoo luma,e

wiigan wararkan soo baxay iyana waaba kala guure

warasada haweenkiyo gabdhu waa wax igu wayne

waa waristan hooyaday hablaha aan walaal nahaye

ooridayda weeyiyo marwadan waalidkeed ahaye

tabtaasaanay wada yiin haween waajibkood la gudine

hadii dumar la waayana nolosha lama wadaageene

weedho ceeb ah buug lagu qoraa waa wax aan qabane

adna wajigu wuu kaa gubtay wadarr sadheeyoowe

hadii aanu madaxwaynahaa wadanka u taliye

waxaad mutantay dawgaa ku marin wuu fidaa hadale

waalayadana ka qaadan iyo heer wasiirrnimada

gabdhahana wax deeqiyo xormiyo waafi xaall siinin

hadba wiil yar taariikh baryahan weeciyoo qaladye

walee inaan tu yaabliyo gubiyo waayirr rogi maanta

oo aan gabayo waabay ah iyo waaqle rididoono

——————————————————————–

curiye ismaaciil ibraahin xasan ismaaciil ibraahin yare

————————————————————————

facbook ismaaciil faaliye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker