Madaxweyne Trump iyo lataliyahiisa dhanka ammaanka oo isku khilaafay arrinta Kuuriyada Woqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku gacan seyray walaaca laga muujiyay hubkii ay dhawaan tijaabisay dowladda Kuuriyada Woqooyi.

Trump ayaa u muuqda mid aad uga aragti duwan lataliyahiisa dhanka ammaanka John Bolton.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ka dib markii uu maanta gaaray dalka Japan ayaa Trump waxa uu gantaalada Kuuriyada Woqooyi ay dhawaan tijaabisay ku tilmaamay “hub yar oo aan micno lahayn”.

Lataliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Trump, John Bolton ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in tijaabada hubkaasi uu lid ku yahay qaraarada Qaramada Midoobey ee dalkaasi.

 

Madaxweyne Trump ayaa maanta oo Axad ah waxaa dalka Japan uga billowday booqasho rasmi ah, waxaana durbaba uu la kulmay ra’iisalwasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Labada hoggaamiye ayaa saaka ku kulmay kulan quraac ah ka hor inta aysan si kooban u wada ciyaarin ciyaarta Golf-ka meel ka baxdan magaalada caasimadda ah ee Tokyo.

Trump ayaa sheegay in uu doonayo in dalkaasi Japan uu la saxiixdo heshiis ku saabsan waxa uu ku tilmaamay isu dheelitir la’aanta dhanka ganacsiga ah ee u dhaxeysa labadani waddan.

Madaxweyne Trump ayaa qoraalkiisa u dhigay sida tan: “Kuuriyada Woqooyi waxay tijaabisay hub yar oo dhibay qaar ka mid ah dadkeyga iyo kuwo kale, balse anigu aan marnaba idhibin.” Waxaa uu intaasi ku daray: “Waxaan ku kalsoonahay in guddoomiye Kim uu ilaalin doono ballankii uu ila galay.”

TRUMPLahaanshaha sawirkaREUTERS

Ma aha markii ugu horreysay oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu ku khilaafayo John Bolton iyo dalka uu haatan martida u yahay. Ra’iisalwasaare Abe ayaa usbuucii la soo dhaafay tijaabada hubkaasi ee Kuuriyada Woqooyi ku tilmaamay “mid aad looga qoomameeyo”.

Bolton iyo ra’iisalwasaare Abe ayaa labaduba ku eedeeyay Kuuriyada Woqooyi in ay jebisay qaraarradii Qaramada Midoobey ee dalkaasi ka mamnuucayay in ay hub tijaabiso.

Hadalladan is khilaafsan ee ka soo baxaya Trump iyo lataliyihiisa dhanka ammaanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan sidoo kale ay isku khilaafeen arrimaha siyaasadda dibadda ee Mareykanka sida qaabka ay tahay in loo wajaho xasaradda siyaasadeed ee dalka Venezuela iyo xiriirka Mareykanka iyo dalka Iiraan.

Hubka ay dhawaan Kuuriyada Woqooyi tijaabisay

Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi ayaa u muuqday in ay isu soo dhawaanayeen tan iyo markii Trump iyo Kim ay sanadkii hore ku kulmeen dalka Singapore.

Balse xiriirka labadani waddan ayaa sii xumaaday bilihii u dambeeyay ka dib markii labadani hoggaamiye ay kulan labaad ku yeesheen dalka Vietnam balse kulankaasi ayaa guuldarro ku soo dhammaaday.

Xilli xiisadda u dhaxeysa labadani dal ay cirka isku sii shareereyso ayaa Kuuriyada Woqooyi waxa ay dhawr jeer tijaabisay hub.

TRUMPLahaanshaha sawirkaREUTERS

Mar sii horreysay bishan ayaa Kuuriyada Woqooyi waxa ay tijaabisay dhawr gantaal oo ah kuwa riddada gaaban, kuwaasi oo laga riday gacanka Hodo ee bariga dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in madaxweyne Kim uu goobjoog ka ahaa tijaabadaasi gantaalada dhawrka nooc ah.

Tijaabada gantaalladani cusub ayaa laga yaabaa in ay ka careysiiso dalka Japan.

Ra’iisalwasaare Abe oo usbuucii la soo dhaafay ka hadlayay magaalada Tokyo ayaa muujiyay dareen la mid ah kan Bolton, waxa uuna tijaabada gantaalladaasi Kuuriyada Woqooyi ku tilmaamay “tallaabo ka dhan ah qaraarrada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey isla markaana ah mid aad looga qoomameeyo”.

“Innaga oo si dhow ula shaqeynayno Mareykanka iyo waddamada kale ee ay arrintan khuseyso, waxaan qorsheynaynaa in aan arrintan la tacaalno oo aan xoojinno dhaqangelinta qaraarradii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey,” ayuu yiri.

Kuuriyada Woqooyi ayaa sanadkii 2017 dhawr gantaal ku tijaabisay hawada dalka Japan, arrintaa oo keentay in Abe uu ku hanjabo in gantaalladaasi ay soo ridi doonaan haddii “loo baahdo”.

TRUMPLahaanshaha sawirkaREUTERS

Trump muxuu Japan u joogaa?

Madaxweyne Trump ayaa dalka Japan u aaday si uu ugala xaajoodo dalkaasi arrimaha ganacsiga iyo ammaanka. tijaabada gantaallada Kuuriyada Woqooyi iyo barnaamijka niyuukleerka ee dalkaasi ayaa ka mdi ah waxyaabaha Trump uu kala hadli doono madaxda dalka Japan.

Japan ayaa loo arkaa in uu yahay xulufo aad ugu dhow Mareykanka sababo la xiriira ammaanka iyo ganacsiga labada dal, waxaana madaxweyne Trump uu dalkaasi u aaday in uu sii xoojiyo xiriirkaasi wanaagsan.

Trump ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee shisheeye ah oo la kulmo boqorka cusub ee dalkaasi Japan Naruhito oo horraantii bishan la wareegay xukunka boqortooyada.

TRUMPLahaanshaha sawirkaREUTERS

Dhan kale, waxaa hadaa soconaya wada xaajood dhanka ganacsiga ah oo u dhaxeeya wakiilka madaxweyne Trump ee arrimaha ganacsiga, Robert Lighthizer iyo dhiggiisa dalka Japan, Toshimitsu Motegi oo sidoo kale ah wasiirka ganacsiga ee dalkaasi.

Ujeedada kulankani ayaa ah in horumar wanaagsan laga gaaro wada xaajoodyada dhanka ganacsiga ee u dhaxeeya labadani dal.

Madaxweyne Trump ayaa rumeysan in xiriirka ganacsi ee haatan u dhaxeeya labadani dal uu yahay mid aan caddaalad ku dhisnayn ayna tahay in la isu dheelitiro.

 

 

 

Source: BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker