Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Waxay U Baahantahy In Ay La Socoto Wararka Ka Soo Baxaya Wadamada Dariska iyo Kuwa Fog Ee Gobolka

Caasimadda Addis Ababa waxa ay u jirtaa Hargeisa 778km,laakiin Addis Ababa waxa ay u jirtaa Muqdisho fogaansho ah 1415.1km.

 

Iyada oo ay saas u kala fogyihiin, ayaa waxa ceeb ku ah Wasaaradda Warfaafinta  Somaliland iyo kuwa u shaqeeya in ay xitaa fahmi waayaan faraqa u dhaxeeya  hadalka Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti iyo borobogaandada Qatar ee ay ku badashay hadalkaas,kadib markii ay Carabi ku dul duubtay hadalka Dina Mufti iyada oo leexisay dhamaan hadalka Dina Mufti.

 

Waxa ay ka seexatay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland kala saarista warka xaqiiqda ah iyo warka beenta ah,ahna borobogaandada ku socota Somaliland.Taasna waxa ay keentay in dadka ku nool Somaliland iyo kuwa jooga dibadda, laakiin ka soo jeeda Somaliland ay labadaba ka qaataan wararka runta ah iyo kuwa beenta ah labadaba dhinaca Somalia.

 

Taasna waxa ay u fududaysay Somalia sii wadida boropogaandada ka dhanka ah Somaliland.

 

Ilaa hadda ma jiro qorshe muhiim ah  oo ay ku dagaal gali karto Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, marka uu soo gaadho dadka warar  ka dhan ah Somaliland.

 

TALO:

 

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waa in ay shaqaalaysiiso dad yaqaana luqadaha ka baxsan luqadda looga hadlo Somaliland sida English,French,Amharanya,Orominya,Tigre,Swahili,Arabic isla markaana la socda xaaladda wadamada ku yaala gobolka.

 

Hadii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland aanay iska difaaci karin wararka borobogaan-da ah,markaas ma jirto sabab ay u shaqayso wasaarad lagu magacaabo ( Wasaarada Warfaafinta Somaliland )- tusaale ahaan waxa borobogaandada ka dhanka ah Somaliland sii faafiya isla warbaahinta Hargeisa kuwo badan oo ka mid ah sida Eryal TV, Horn Cable TV iyo kuwa laga leeyahay isla gudaha Somaliland!.

 

Hadii ay taas jirto,markaa waa maxay faa’iidada Wasaarada Warfaafinta Somaliland?.

 

WQ: Axmed Aadam

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker