“Qofku Haduu Madaxa Isgoynayo Adigu Kama Qaban Kartid Anigoo Madaxweyne-xigeenkii ah Ayaa Cumaamada Saarey Diyaaradda”

Boorame(OWN)- Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa markii u horeysay si adag ula hadley Madaxdhaqameedka iyo odoyaasha Gobolka Awdal.
Isagoo hadalkiisa ku bilaabay Sidan “Annagu Gurmadbaanu Nahey Waxaanu u Gurmanaynaa Dadkayaga Bani-Aadamku hadey taladu ka Xumaato meel Xunbuu ku dhacaa, Ma Xisaabtanteen Reer Awdalow Nimcada aad Maanta haysaan ee Boqolkiiba Sideetanka ah Ma Waxaad garateen in aad u daadisaan Labaatan iyo tobanka dhiman, taasi Waxey noqotey mid aanu ka fadhiyi kari Weynay, Mid aanu idinka Aqabalaynana Ma aha Nabedgalyadana La idiinkama marti aha ee Xukuumadda ayaa Ka Masuul ah” Sidaa Waxa yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo lahadlayay Madaxda Dhaqanka, Odoyaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo hadal tafdheer kula Garnaqsadey Duqeyda Gobolka Awdal Waxa uu intaa ku darey hadalkiisa.
“Waxeynu Isku Leenahey Tallo odey Reer u taliya oo Masuul ahi isagaa yaqaan sida Reerkiisu ku hagaagayo Xukuumadda iyo Qarankuna iyagaa yaqaan sida Qaranka iyo Gobolkuba ku hagaagayaan, La idinka Aqbali Maayo la idinkana yeeli Maayo inan halkaa jooga ayaanu lasoo hadli kari weynay ama aanu iska kaxeyn kari Weynay oo aanu soo qaban kari Weynay Wax la idinka Yeelayo ma aha lacagna ku Bixin mayno ninka isagu hawshiisa qabsan kari Waayay lacag ku siin mayno”Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu intaa ku darey “Baribaa lacag la geeyaa ayey Waa nasiib darro ayey  ku odhanayaan Salaadiintu, Dee Masiibaa loo geeyaaye ‘Masiibada’ Illaahay ka barya dhibaataa ka dhacda boqolaal qof ayaa is dilla dhibaataa taala,e ma illaahow dhibaato noo keen ayaad Leedihiin! Waar illaahay ka baqqa Waxaasi Wax la Suureysan karo ma aha, Waxa Bari la geeyaa Waa Wax Danta Somaliland ka Maarmi kari Weyday, Waa Wax Maxaxweyne Kasta oo joogaa ku Qasbanaadey Ilaa Marxuum Cigaal, Ilaa Rayaale, Ilaa Siilaanyo, ilaa Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Waxaan Hurumar u tareyn oo amni ku baxeysa, Inankoodii ayaa Habsaamey”  Ayuu yidhi.
“Nabeddgelyo Darey ku habsaameen Siyaasado kale ayey ku habsaameen,Waxey ku habsaameen laba Dan Raacow intey Somaliland iyo Soomaaliya lahaayeen ayey Walaalaheen ku habsaameen Waan uga ducayneynaa, Haddeynu Reer Awdal nahey Reuorceku Wuu inaku soo horeeyay Hay,adaha Samafalka Caalamiga ahi inoo Qabteen hadey Waxbarasho Tahey hadey Caafimaad Tahey iyo hadey Biyo taheyba, ilaa Tuulooyinkeena ayey maanta Tuushka lagu meydhanayaa, kuwii ugu Dambeeyay Degmada Dilla ayaa Shaley lasoo furey Tuulo Gobolka Awdal ah oo aan Maanta Biyo nadiif ah lagu cabeyni majirto la inalama Qabo” Ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.
Waxa kale oo uu ka hadley Walaaca ay markii.hore ka Xukuumas ahaa ka Qabeen Arintii Bariga Awdal iyo sida Wanaagsan ee ay uga hawl galeen odoyaasha iyo Waxagaradku.
“Siwanaagsan ayey yeeleen odoyaasha Bariga Awdal, Anaga Markii aanu Soo Soconay Walaac ayaanu ka Qabney, in halkaa Sababtoo ah 100 qof iyo 50 qof Maanta Qarankan iskama Celin karo  1994kii ayaa la Burburin kari Waayay oo uu laba Sano jirrey, Waala idin dhawrayaa oo Dhimasho iyo dhiig ayaa laga Warwareegayaa”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker