Qasa: Meydadka oo isbitaalka gudihiisa xabaal wadareedyo lagu aasayo

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa agaasimaha isbitaalka Al-Shifa ee Qasa Muxamed Abu Salamiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 179 meyd ah lagu aasay xabaal wadareed ku yaalla goobta uu ku yaallo isbitaalka Shifa iyada oo oo ay socdaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas.

Agaasimaha isbitaalku waxa uu sheegay in toddobo carruur ah oo dhawaan dhashay ay u dhinteen koronto la’aanta xaruuntaas ka jirta.

Abu Salamiya waxa uu yiri “Waxay ahayd in aan ku aasno xabaal wadareedyo” waxa uu xusay in maydadka ay daadsan yihiin wadooyinka isbitaalka, sidoo kalena ay korontadii ka go’day talaagadaha ku jiray qolka maydka”, iyada oo aanay jirin wax shidaal ah oo soo galay marinka Qasa ilaa 7-dii October.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker