Xidhiidhka Kubada Cagta Jabuuti oo shaqadii ka eryey tababaraha xulka qaranka

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti, ayaa shaqadii tababaranimo ka eryey, Julien Mathieu, oo u dhashay dalka Faransiiska, kaasoo xulka dalkani laylinayey saddexdii sano ee uggu danbeysay.

Tababarahan ayaa xulka kubadda Cagta Jabuuti, usoo saarey markii uggu horeysay tartanka is reeb-reebka ee Koobka Addunuka loogu soo baxayo, kaasoo ka dhici doonna dalka Qatar sanadka danbe ee 2022-ka.

Xidhiidhka ayaa soo saarey bayaan ay shaqada ugga eryeen tababaraha, iyadoo la heshay nuqul kamid ah, wuxuuna u qornaa sidan:

Kadib natiijooyinkii filan waaga ahaa ee lasoo darsay kooxda qaranka Jabuuti, ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Qatar 2022-ka, iyo falalka guracan ee dabeecadaha aan ku habboonayn xirfadda tababare heer sare ah.

Xidhiidhka kubadda cagta ee Jabuuti, ayaa go’aan sadey iney shaqada ka ceyriyaan tababarihii xulka qaranka ee Mudane. Julien Mette.

Madaxa Xidhiidhka Kubadda Cagta dalka Jabuuti, Suleymaan Xasan Waaberi, ayaa sheegay in shaqo ka ceyrinta tababaraha ay timid, kadib markii guul darooyin is daba joogga ay xulka qarankani soo wajaheen, taasoo uu ku eedeeyey inuu mas’uul ka ahaa tababaraha.

Xulka qaranka Djibouti, ayaa laga mamnuucey iney dalkooda kula ciyaaran kooxaha kale, iyagoo hoy ay u tahay dalka Morocco.

Waxa uu intaa ku darey dhibaatooyinka heysta madaxa Xidhiidhka xulka qaranka iney qeyb ka tahay dhaqaale darro baahsan, oo aaney jirin qolo gaar ah oo ka caawisa dhanka dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey madaxa Xidhiidhka in cid kasta iyo shirkadaha dalka Jabuuti iney gacan ka geysan karaan taakulada loo fidinayo xulka qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker