In ka badan 100 dab damis ah oo isku dayaya inay xakameeyaan dabka Switzerland

Dab ka kacay kaymaha koonfurta Switzerland ayaa weli socda, iyada oo in ka badan boqol dab-damis ay hadda la dagaallamayaan sidii ay u xakameyn lahaayen. .

Dabka ayaa ka kacay galinkii dambe ee shalay meel u dhow tuulada Bitsch ee gobolka Valais wuxuuna u fiday si aad ah habeenimadii xalay, maamulka Deegaanka ayaa sheegay in dabka ay sii hurinayaan dabaylo aad u xooggan. In ka badan 200 oo qof oo degganaa tuulooyinka u dhow ayaa ammaankooda dartii loo daadgureeyay.

Dabka ayaa hadda ka kacaya dhul dhan 100 hektar, dhulka jooggiisu sareeyo oo ay adag tahay in gaadiidku galaan.

Diyaarado Helicopter ah oo ay ku jiraan Super Pumas oo ka tirsan ciidamada Swiss-ka ayaa biyo ku daadinaya dabka. Laakiin dabaysha iyo qiiqa ayaa howsha ka dhigtay mid aad u adag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker