Labada Ciyaartoy Ee Ugu Muhiimsan Khadka Dhexe Ee Manchester United Oo Heshiisyo Shaqsi Ah La Gaadhay Kooxo Kale

 

 

Manchester United ayaa waajahaysa xaalad adag kaddib markii laba ciyaartoy oo muhiim ah ay heshiisyo la gaadheen kooxo kale, kuwaas oo shandaddooda ka qaadan doona Old Trafford marka uu dhamaado xili ciyaareedku.

 

United oo halgan ugu jirta sidii ay ugu dhamaysan lahayd afarta kaalmood ee ugu sarreeya, si ay uga qayb-gasho Champions League xili ciyaareedka dambe, ayaa waxa usoo yeedhaya war dhiillo leh oo ku saabsan mustaqbalka laacibiinteeda aasaasiga ah ee uu Ole Gunnar Solskjaer ku xisaabtamayo inay hoggaamiyaan safkiisa xili ciyaareedka dambe.

Raxan ka mid ah ciyaartoyga United ayaa waxa ka dhamaanaya heshiiska dhamaadka xili ciyaareedkan, lamana filayo in qandaraasyo cusub la siiyo, taas oo keeni doonta inay iska baxaan. Laakiin dhibaatads jirta ayaa waxay tahay sida ay kooxdu usii haysan karayso kuwo ka mid ah laacibiinta heshiisku ka dhacayo oo wali kartooda iyo saamayntooda leh, sida Juan Mata iyo Ander Herrera.

Marka laga yimaaddo laacibiintaas, waxa jira kuwo uu heshiiskooda waqti badan ka hadhay oo wararku sheegayaan inay heshiisyo shaqsi ah la gaadheen kooxo kale, gaar ahaan kubbad-sameeyaha Faransiiska ah ee Paul Pogba.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Pogba, kaas oo uu sannadkii ku qaadanayo lacag gaadhaysa €12 milyan.

 

Wargeysku waxa uu sheegay in heshiiska ay wax walba iskula qaadaa-dhigeen Los Blancos iyo Pogba, isla markaana uu ka bilaabmi doono horraanta xili ciyaareedka, waxa kaliya ee Real Madrid u hadhayna ay tahay inay miiska la fadhiisato Manchester United oo ay isla afgartaan lacagta kala-iibsiga, iyadoo Pogba uu ku qasbi doono naadigiisa hadda inay ogolaato bixiddiisa.

Sidoo kale, wargeyska AS waxa uu tibaaaxay in Ander Herrera uu heshiis afar sannadood ah la galay PSG oo uu u wareegi doono marka uu dhamaado heshiiskiisa oo dhacaya dhamaadka bisha soo socota, halkaasna uu ku xidhmi doono waayihiisii Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, wararkan ayaa si buuxda u kala caddaan doona marka uu furmo suuqa iibka ee ciyaartoyga, laakiin sida la ogyahay Real Madrid ayaa dibu-dhis ballaadhan isku samayn doonta, waxaana xiddigaha lala xidhiidhinayo safka hore kaga jira Pogba oo haddaba la sheegayo inuu heshiis u saxeexay iyo xiddiga Chelsea ee Eden Hazard

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker