Afar Qof Oo Laascaanood Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19

Afar qof ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu geeriyooday Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool, Dr Maxamuud Xaaji Khaalif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunka laga helay soddon iyo todoba qof bishii ugu danbaysay islamarkaana ay u geeriyoodeen afar Qof.

Xanuunka Dilaaga ah ee covid-19 ayaa dib ugusoo laba kacleeyey Jamhuuriyadda Somaliland xilli ay shacabku ka cago jiidayaan fariimaha caafimaad ee ay la wadaagayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker