Maraykanka Oo Ka Digay Dhiig Ku Daadan Kara Muranka Ka Taagan Doorashooyinka Dalka Soomaaliya

Waddanka Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee uu cagaha la soo galayo waddanka Soomaaliya oo ku dhawaad 30 sano aanay ka jirin dawlad awood lihi, isaga oo sheegay in muranka doorashooyinka ee taagani ay keeni karaan in dalkaasi dhiig kale ku daaato. Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga xidhiidhka arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka Bob Menendez ayaa waxaa lagu sheegay in Washington ay weli walaac xoogan ka muujineyso xiisadda ka sii dareysa Soomaaliya ee doorashooyinka.

Bob Menendez ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya uu halis gelinayo dadaalkii loo soo maray horumarada ay Soomaaliya haatan ka gaadhay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Menendez ayaa sidoo kale sheegay inay jirto halis dhab ah oo la xidhiidha in is-mari waaga doorashada uu horseedi karo inuu dhiig ku daato.

Bayaanka ka soo baxay Xafiiska guddoomiyaha Guddida Xidhiidhka Arrimaja Dibadda ee Aqalka Sanatka Maraykanu ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato is-mari waaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

Anigoo og in Al-Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaadhaan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xidhiidha doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa’iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya.

Inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayaa shirka uu Farmaajo isugu yeedhay Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu Bob Menendez ku yidhi qoraalkiisa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker