Muxuu James Milner Ka Yiri Kulanka Ay Semi Final-ka Ku Wajahayaan Barcelona? Miyeyse Garaaci Karaan?

Liverpool ayaa semi final-ka tartanka Champions League ku wajaheysa Barcelona,xiddigooda reer England James Milner ayaana aaminsan in kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ay ku dhibtoon doonto qaab ciyaareedka kooxdiisa.

Kulanka ugu horreeya wuxuu labada kooxood ku dhexmari doonaa Camp Nou 1-da May, halka lugta labaad la ciyaari doono 7-da May iyadoo la isugu imaan doono garoonka Anfield, waxaa jirta hadal heyn badan oo ku aadan kulankaan.

Waxaa iska hor imaan doona Lionel Messi oo loo tixgeliyo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu weyn kubadda cagta iyo Virgil van Dijk oo sanadkaan loo arko inuu yahay daafaca ugu wanaagsan kubadda cagta.

“Waan garaaci karnaa Barcelona, balse waan ognahay iney aad u adkaan doonto maadaama ay yahiin koox xoogan, sidoo kalana wey adag tahay in la booqdo Camp Nou” ayuu yiri James Milner.

“Uma maleynayo in Barcelona iney wajahday kooxo badan oo qaabkeena oo kale u ciyaara”

Camp Nou waa garoon cajiib ah, wuxuu leeyahay jawi heer sare, waana inaan sameynaa sida noogu fiican, balse iyaga qudhooda wey ku adkaan doontaa”

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker