Sababta 2 sanno Awdal Miisaaniyada Dalka loogu Dariwaayey sidaad moodeysaan maaha ee waa sidan !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Waxa la yidhi : Nin weyni illaa uu ceeboobo ma dhinto !! Waxaan hambalyo iyo bogaadin sare leh shacabka Awdal ee gartay in mudo 2bo sanno ku siman in ay miisaaniyada qaranka ka madhanyihiin hadaaney laf timiri ku jirin; waxa nusqaan iyo cambaareyn u sugnaatay madaxda gobolka ku xil-tirsata ee leh gole-deegaan, gole baarlamaan , badhasaab iyo wasiiro ee aan qancin Karin tabashada iyo dareenka shacabkooda ee maalmahan oognaa , iyadoo ay aheyd in ay adeegsadaan u hagar-bixid hawleed, hadal iyo hawraar-san intaba !!.
Yaa ka masuul ah baahida adeeg ee shacabka degmo iyo gobol walba ?
1. Lama wadaago masuuliyada, waxa masuuliyada iska leh dadku kuwa ay doorteen iyo kuwa ay doorteen kuwey sii igmadeen !! mudnaanta kowaad heer degmo soo jeedinta baahida adeeg dawladeed iyo shacabka tabashadiisa waxa gaar u leh xil-dhibaanada degmooyinka, duqa degmooyinka iyo badhasaabka Gobolka.
2. Mudnaanta heerka 2aad oo ay ku jirto ka haqab tirka bulshada adeegyada culus iyo fulinta siyaasada dawlada waxa iska leh masuuliyadaa ( duqeyda/mayors ka degmooyinka gobol , badhasaabka gobolka oo wata qorshayaasha ka turjumaya dadka ay madaxda u yihiin iyaga oo kaashanaya mudanayaasha wakiilada u ah dadka ay maamulaan.
3. Mudnaanta heerka sadexaad waxa iska leh cida dalka iyo dadkaba ka masuul ah illaahay ka sokow oo ah madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka iyaga oo ay masuuliyadoodu tahay ( dhageysi , qiimeyn iyo hubin kama dambeys ah ).

Dayaca dareenka masuulnimo ee shacabka Awdal haystaa waxa uu ka yimi :-
Goleyaasha deegaanka oo cimrigoodii ku idleystay is-qab-qabsi , iska daba-wareeg aan hunguri dhaafsaneyn waa dhanka degmada caasimada gobolka e’ inkasta oo wax-qabad aan haa-kah la odhan ay faraha fiiq-fiiqeen waxa daaha saaraya wax ay tari lahaayeen ba, basar-xumo badan oo aaney la qabin golayaasha dalka; waxase iyaga sii bara-dhaafiyey iyaga badhasaabka jooga hada oo u muuqda kii ugu hoodo iyo iyaan xumaa waayo intii uu xilka gobolka hayey waxa ku dhacdey dadkiisii ( duufaantii sagar ) dhanka wax-tarkana , dadkiisii iyo gobolkiisii uu maamulaayey waxa tabayaan in laga qadiyey miisaaniyadii qaranka sannadkii labaad.
Dhanka wakiilada Awdal u matalaya qaranka waxa ay ku sifoobeen:-
( odey baa inantiisii la guursadey markii gabadhiisa lagala wareegayey ayuu ku yidhi inantiisii: Aabbo waan kuu duceeyee dhaqo reer kaaga oo qosol kaaga iyo oohin taada midna yaanan maqlin ) xildhibaanada Awdal matalaya ee Hargaisa fadhigoodu yahay maalintii la doorday 2005 ayaa ugu dambeysay muuq iyo maqal marka ay noqoto dareenka masuuliyadeed iyo matalida danaha shacabkii codkooda xildhibaano kaga dhigey iyaga oo noqday ( kuwa ugu af-gaaban xildhibaanada dalka ee aan laba aqoon in ay jiraan iyo in kale, xataa qaar ayaan laba aqoon suuradooda iyo sawracooda toona, waxase jira xubno tiro yar ood arkayso in ay kalifanyihiin iyaga oo aad moodo in ay naftooda hiifsanyihiin hadal kana ka bartay kaliya ( saami –qaybsi ) xataa tabinta dareen kale oo ay xambaaraani ma jiro ; qof ahaan ma dhiiri galinayo in ay shib yidhaah daan iyo san-qadh la’aanta ay laasimeen balse waxa aan sheegayaa kaliya in ay gabeen kaalintii laga rabey iyo macnihii ay u taagnaayeen; ka hadalka saami-qaybsiguna waa xaq caawa iyo bariba oo dan u ah dhamaan reer somaliland.
Sababta miisaaniyada gobolka Awdal looga reebay waxa ay tahay xisbi xaakimka tallada dalka haya maanta ee kulmiye sida ku cad buugii iyo hishiisyadii gobolada ee uu ku hawl galey xisbigu guushana u hor-seeday, xisbiga waxa sal u ahaa u muraad quminta bulshada wadanka taal hab ku dhisan mudnaan siinta baahida ugu weyn ee gobol waliba qabo; marka ay noqoto gobolka awdal waxa mudnaanta koowaad u ahaa mudo xilleedkan maanta socda , sidii madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku ku olole balan- galeen idinka iyo dalkoo dhamina markhaati ka tihiin in ay mudnaanta Awdal tahay ( dhismaha jidka isku xidha Borama—illaa—Lowyacado ) ; waxa lagama maar-maan ah in aad hubisaan, illaalisaan , u dhabo gashaan balan-qaadkoodii gaar ahaan sannadahan soo fool leh 3 iyo 4 ugu dambeyn oo aydaan waliba u kala hadhin ka hadalkeeda iyo hirgalinteeda toona idinka oo ka baaqsanaya waa reer hebel iyo reer hebel ama xisbi hebel iyo xisbi hebel toona, tani waa balan fulin sugayasa oo dan u ah dhamaan reer Somaliland; arin kuna waxa weeyi ( Ragna waa baro rabina waa u bal yeel ) !!.

Gunaanad iyo gabo-gabo:
Xisbiyada iyo reeruhuba dadka ay dooranayaan ee ay rabaan in ay u matalaan danahoodu hubsiimo aad haloogu yeesho iyada oo aan la tixgalineyn ( PHD in uu qofku sito, doolar badan in uu sito iyo ciro badan in uu leeyahay ) balse mudnaanta iyo tixgalinta la siiyo in uu qofku la haado dareen dabeeciya oo kalsooni buuxda qaba kaasi oo uu ku turjumi karo , u adeegi karo baahida iyo dareenka dadka la rabo in uu matalo .

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

1/3/2019 sanad wanaagsan dhamaan reer Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker