Kenya Oo Ka Cabatay Inay Somaliya Go,doon Siyaasi Galisay Xaalkeedana Barbardhigtay Todobaatanadii Oo Awood Milateri Iyo Hirdin Geeska Ka Jiray…

Faallo dheer oo uu  qoray Macharia Munene oo ah faale qore sare oo ka tirsan warbaahinta Kenya, ayaa cinwaan looga dhigay “Soomaaliya ayaa deriska ku hoggaamineysa in Kenya cadaadis iyo go,doon la saaro,”

Faallada waxaa lagu sheegay in Kenya ay u muuqato in ay haatan wajahayso go’doon la mid ah kii ku dhacay 1970-meeyadii, xilligaas oo ay ku wareegsanaayeen dowlado hanti-wadaagga qaatay. Kenyana, waxay go’aansatay inay la jirsato Reer Galbeedka iyo Israa’iil, taas oo ka dhigtay dal gebi ahaanba go’doonsan.

Wargeyska ayaa sheegay in 1970-meeyadii ay Soomaaliya dooneysay inay qaadato qeybo ka mid ah Kenya, Itoobiyana ay u wareegtay dhanka hanti-wadaagga, Suudaan qaxooti umbay u soo diri jirtay Kenya. Waxaa intaa sii dheeraa ayuu leeyahay in madaxweynihii Uganda ee xilligaasi, Idi Amin, uu culays saaray deriskiisa. Tanzania iyadu waxay xirtay xadkii ay la lahayd Kenya.

Haatan oo la joogo sanadka 2019-ka, ayaa waxaa muuqata in dhacdooyinkii 1970-kii ay soo noqonayaan, in kastoy wax yar ku kala duwan yihiin.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayay tahay ayuu Wargaysku leeyahay inuu wax ka qabto deriska ku soo jeestay Kenya. Itoobiya ayaa haatan gashay marxalad isbaddel, oo Kenya kala wareegtay doorkeedii ahaa inay xarun u ahayd nabadda iyo dhaqaalaha gobolka. Suudaan, weli sidii umbay qaxooti u soo dirtaa. Ugandhana maanta ganacsi ahaan way ka wareegtay Kenya. Tanzania waxayba muujisay in aysan jeclayn dadka reer Kenya. Waxaas oo dhanna waxaa ka daran Soomaaliya, taas oo mar kale hoggaanka u haysa weerrada ka dhanka ah Kenya, iyadoo sheegatay dhul badeed ay Kenya leedahay.

Faallada Wargeysa ayaa sheegaya in Soomaaliya, kaddib markii ay ku guuldareysatay inay dhul-badeedka qaadato, waxay haatan tijaabineysaa in Uhuru Kenyatta uu awood u leeyahay inuu ilaaliyo danaha Kenya iyo in kale. Waxay kaashatay shirakdo reer Yurub ah oo u ooman shidaal, kuwaas oo u diray maxkamadda cadaaladda dunida ee ICJ, taas oo uu madax ka yahay nin Soomaali ah.

Qoraaga ayaa qabo in maxkamadda ICJ ay dhul badeedkaas u xukumi doonta Soomaaliya, Kenya ayuu sheegay inay iska indha-tiri doonta go’aanka maxkamadda.

Faallada waxay leedahay qolyaha badda lagu muransan yahay daneynaya waxay tartan kula jiraan xoogag qaaradaha dunida ka soo tallaabay, oo ay dantoodu ku jirto inay Soomaaliya kala qeybsanaato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker