Oodweyne News - Latest Somali News Update

AF CARBEED-KA OO AFSOOMAALI-GII MEESHA-BA KA-SAARAY IYO SOOMAALI-DA OO XEER’AFEEDKII SSOMALIGA OO BURBURAY IYO SOOMAALIDA OO AAN AAN WARBA KA HAYN OO AAN KALA SOOCI KARIN ERAY-YADA AF SOOMAALIGA TOOSAN AH IYO KU JCARBEED EE AY SIDA JAJABAN UGU DHAWAAQAAN.

CARABTA MID BAA LAGU YAQAAN OO AH INTA AY DIIN-TA KUUGU SOO GABBADAAN AYAA AY AY AFKOODA KUGU FIDSADAAN OO AFKAAGA TIRTIRAAN, ISLA KOLKAASNA AY CARAB-TAASI DHAQN-KOODA KAAGA DHAADHICIYAAN INUU DIIN YAHAY, KAAGANA AY SI DEGAAN-DEGAAN AH U CIRIB TIRAAN. DALALKA AY AY CARABTAASI QORSHA HAAS QARSOON KU FULIYEEN OO KA HIRGESHEEN WAAYA HORE WAXA KAMID AH: MASAR, SUUDAANTA ADDOONTA AH, SYUURIA, LEBNAAN IYO CIRAAQ.
CARAABTAAS DIINTA KU QADHAABTAA WAXA AY SODDON-KII SANO EE GUDBEY QORSHA-HAAS KU LA-JAAD AH OO LA TAB AHOO AAN CAYN-NA UGA TAGGANAYN KU WADEEN WELINA AY KU WADAAN DALALKA JSL, SOOMAALIYA-DA HABAAR-KA QABTA IYO JABUUTI UU CIISE-DAWAC KA TALIYO.
WAXA HUBAAL AH IN CARABTAASI AY GUUL WEYN KA GAAREEN CIRIB-TIRKA IYO BAAB’INTA AFKA REE-SOOMAALE IYO DHAQN-KOODA-BA. TAAS WAXA CADDEENAHAYA BOQOLLAALKA EREY EE ISSIR’AHAANAFCARBEEDKA AHEE HAATAN IYO AY DADKA REE-SOOMAALE AHI AY SIDA JAJABAN EE LAGU QUSLU UGU TIRAABAAN AMASE U QORAAN, WAXA KALE OO AFCARBEEDU UU DHIB HORLEH UGEYSTEY XEERAR’AFEED-KII AFKA REER-SOOMAALE AHAA OO HAATAN LAMID AH MAGAALO DHISNAYD OO QURUXBADNAYD WAA HORE HASE YEESHEE LAGU DHEX DAGAALLAMAY OO LA BURBURSHEY..
WAXAN HOOS KU QORAHAYA IN TIRA YAR OO KAMID AH BOQOLLAALKA ERAY EE AFCARBEEDKA AH EE BARAKACSHEY ERAY-YO AFSOOMAALI TOOSAN AHOO SIKALA DIL-DILLAACA OO MAANTA AANAY DADKU KUBA HADLIKARIN:
EE BAL U FIIRSADA DUUL YOHOW AFKOODII U HURAY AFCARBEED JAJABAN OO AANAY UBA DHALAN DADKA CARABTA AHINA EE AFKAAS UDHASHAYNA AY IDIIN  HAYSTAAN MIDGO IYO ADDOON MADMADMADOOW OO CAWAAN AHOO XOOLAHA LAMIDA OO ISKADDAA WAX KALE DALKOODA LAGA QAADI KARO SIDA WAA DHOOW DHICI DOONTA KOLKA AY IMAARAADKA CARABTU
JSL SOO DHOOBTO KUMANNAAN CIIDAMMADOODA AH OO BERBERA KASOO DEGI DOONA, DALKA YAMANNA AY KASOO DAABULI DOONTO SHAN LIX MILYAN OO YAMAN AHOO CAYR AH, SI AY IMAARAADKU IYO SUCUUDIGU DALKA YAMAN EE AY BURBURSHEEN ULA WAREEGAAN. HADDABA AAN EREEYADII AAN SHEEGAY AAN HOOS KU TAXO EE BAL CAR WAA KA GARTA ERAY AF SOOMAALI AHOO UDHIGMA ERAYGA CARBEED EE JAJABAN EE AYDIN SIDA DAMEERAHA UGU QALAADDAAN:
siyaasad, siyaasi, xisbi, xisaab, xikmad, xabsi, xurmo, xaq, xaquu al insaan, dabeecad, duco, caadifad, cimri, ciqaab, calaamad, imtixaa, qawmiyad, qiso, qiime, qurbe, diyaarad, waddanka, waddani, muwaadin, ficil, naxwe, nuur, nasiib, xeelad, xisaab, xisaabiye, cadad, caqli,
cakir, qayr macquul, dariiq, dalab, qaaddi, maxkamad, qisaas, quful, irbad, xaalad, madfac, xalwad, xaflad, caashaq, akhlaaq, edeb,
salaan, asalaamu calaykom wa raxmatullahi wa barakaato!!!!!!!!!!!!!!!!!!, barako, xalaal, xaaraan, xaraf, murashax, sharrax, sharaf, ixtiram,
xawaalad, masaafad, miisaan, miisaaniyad, qado, casho, asbuuc, sicir (sixir), salaad, imaam, soon, faqrad, maaddo, maxalli, ashahaado,
waraaq, qalin, xaqiiqo, xaqiijin, masuul, masuuliyad, waajib, xirfad, macne, macnayn, mucaawimo, caawimid, macal, bilaa, belo, makhrib,
wacad, saaxiib, sifo, sifayn, mucaarad, muxaafad, dawlad, xakuumad, riwaayad, riyo, raasamaal, riqiis (rakhiis), shaashad, jammacad, jaamicad, kulliyad, macalin, tacliin, mutacallin!!!!!!!!!!!!, madrasad, muxibo, xubbi, xurmo. xad xuduud
INTAAS KOOBA WAA INTA UGU YAR EE AAN HADDAN IDIIN SOO GUDBINAHAYO EE MUJINAYA IN ERAY WALBA OO KAMID AHI UU BURBURSHEY OO BARA KACSHEY OO DABAGOOYEY ERAY AFSOOMAALI HAGAAGSAN AH IYO ERAY-YADII KA DILLAACI LAHAA. EE WELI MA KU FAANAHAYSAAN IN AFSOMAALI UU JIRO ANIGA OO IDIIN SOO BAN DHIGAY BURBURKA IYO DABAR-GO’A IYO AAYATIIN XIMADA AFKII AYDIN UDHALATEEN HAYSATA IDINKOO ISKA QOSLAHAYA OO AFKA HUURADA LEH ILASOO HOR FADHIYA.
QORE: SAALAX CALI. AAR).
salehalimohamed571@yahoo.com