” Madaxweyne adigaa is xukumee ama keenada dhigo ama keynadiid noqo.  “

Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo hore uga mid ahaa xukuumadii axmed silaanyo ,kana soo qabtay Xilka Badhasaabnimo oo gobolo dhawr ah isku soo maray , ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu facebook-ga ku leeyahay ku  dhaliilay  Madaxwayne Muuse Biixi  waxaanay u dhignayd sidan:–

 

” Mudane Muuse Biixi waxa isaga oo bil ramadaan culimadii dalka la afuraaya uu sheegay ina qofka xilka haya ee sharciga ku gefa lagu qabanaayo gacan bir ah..dadka afkaartooda ka dhiibanaya baraha bulshada ayaa intooda badani u arka in madaxweynuhu uu isagu isku jeedo oo aanu hayn cid kale oo hadda denbi gashay iyadoo ay xil hayaan.

Dadka doodan qabaa waxa ay intaa raacinayaan in haddii cidi sharcigii baal martay uu isaga iyo masuulyiintiisa u qaablisan amniga ay yihiin kuwa maalin walba xeerarka dalka baal maraaya.
Waxa falanqeeyayaasha arrintani ay intaa ku darayaan in mayd kii ugu danbeeyay oo ah ka la sii sido ay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay xildhibaan ka tirsan hay’adii sharcidejinta, welina xabsiga lagu sii hayo, tiiyoo ay hay’adii garsoorka iyo guddidii joogtada ee xeerdejintu sheegeen in ay tallaabadaasi sharciga baalmarsan tahay.
Sidoo kale waxa kooxda arrintan qabtaa ay sheegayaan in qodobada cadcad ee ay xukuumadda madaxweyne Muuse ku tumatay ay yihiin qodobka 49 iyo 79aad ee dastuurka dalka.
Dhinaca kale waxa iyagu qaba doodaa mid ka duwan oo ah in xukuumaddu ay waajib tahay inay sharciga la tiigsato cid kasta oo ku gefta
Sharuucda dalka, inkastoo dadka fikirkan qabaa aanay ka reebayn xitaa haddii ay noqonayso in madaxweynaha sharciga la mariyo haddii lagu helo gef sharci.
Xaqiiq weeye in ay qaran dhis noqon lahayd haddii xukuumadda Muuse ay ku talaabsato in sharciga loo sinaado oo aanay qabashadiisa ku koobnaan oo keliya maskiinka, waxana loo fadhiyaa in golaha wakiiladu uu guddi u saaro soo baadha sababaha xadhiga xildhibaanka oo haddii ay ku qancaan in madaxweynuhu xeerkii jebiyay sharciga la horgeeyaa oo maamuus ka xayuubin lagu sameeyaa, haddii kalena loo cadeeyaa in denbiga xildhibaanku xeerka waafaqsan yahay, waxaase lee nahay madaxweyne adigaa is xukumee ama keenada dhigo ama keynadiid noqo.  “

Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise Shiine

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker