Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe Oo Madaxweyne Ku Xigeenkiisii Iska Hortaagay Inuu Muqdisho Uu Safar Ku Tago.

Madaxweyne Ku Xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan, ayaa Goordhow laga celiyay garoonka diyaaradaha Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Warar aan Helnay ayaa sheegaya in Maxamuud Siyad Aadan uu ku wajahnaa Magaaladda Muqdisho, kadib heshiis la sheegay ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Talaabaddan uu Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe kaga hor istaagay Inuu Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland kaga dhoofo Garoonka Kismaayo kuna tago Xaruunta Somaaliya ee Muqdisho, ayaa ku soo beegmaysa xili Maanta Magaaladda Beled-xaawo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Cabdirashiid Janan oo ahaa Wasiirka Amniga ee Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, kaasoo Heshiis la Gaadhay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Taasoo Dhaawac Iyo dhirbaaxo weyn oo dhanka Siyaasadda ah kasoo gaadhayso Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe, Maadaama Oo Uu in badan Janan uu si weyn uga soo hor Jeedday Xukuumadda Federaalka Somaaliya oo uu dagaalo hubaysanna la galay. Iyadoo la filayo Inuu Cabdirashiid Janan Soo gaadho maalmaha soo socda Muqdisho.
Geesta kale heshiiskan Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo aan si rasmiya u soo shaac bixin, ayaa Hadduu uu dhab noqdo dhabar jab Weyn Iyo dhirbaaxaba ku ah Maamulka Axmed Madoobe uu hogaamiyo. Iyadoo dhanka kale guul Siyaasaddeed u ah Xukuumadda Federaalka Somaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo khilaaf ba’ani u dhexeeyo Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker