Aqalka Cad oo ka shaqeynaya xiriir dhexmara Israel iyo Sacuudiga

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey.

Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington.

Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Aqalka Cad.

War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xiriir oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen.

Biden ayaa xiriiro adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel.

Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker