Guddida Gurmadka Abaaraha Oo Kaalmo Deeqo Kala Duwan Ku Wareejiyey Maamulka Gobolka Daad-madheedh.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, Ah-na Guddoomiyaha Guddida Heer-qaran ee Gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay deegaanno ka mid ah gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer, waxana ay deeq lacag ah iyo raashin isugu jirta oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka iyo duunyada abaaraha ku tabaalowday ku wareejiyeen maamulka gobolka Daad-madheedh iyo deegaanno hoos yimaadda.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah Golaha Wasiiradda oo kormeer kusoo maray deegaannada ay kamidka yihiin Hara-sheekh iyo Xaaxi, ayaa markii ay gaadheen Magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxa ay halkaas kulan ballaadhan kula yeesheen maamulka gobolka, waxgaradka, waayeelka, cuqaasha iyo salaadiinta gobolka, waxana halkaas kaga dhegaysteen heerka ay abaartu marayso.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Heer-qaran, ayaa sheegay in nuxurka socdaalkoodu salka ku hayo sidii ay gurmad noocyo kala duwan ah u gaadhsiin lahaayeen dadka ay abaartu taabatay, waxana uu guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh ku wareejiyey lacag dhan $40’000 (Afartan) kun oo dollar ay biyo loogu iibinayo shacabka ku dhaqan gobolka Daad-madheedh.
Sidoo kale kale, Madaxweyne ku Xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa waxa ay maamulka deegaanka Xaaxi ee duleedka Oodweyne ku wareejiyeen raashin dhammaystiran oo loogu talo galay Kun qoys oo kamid ah dadka deegaanka ku dhaqan ee ay abaartu saamaysay.
Xubno kamid ah maamulka, odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Daad-madheedh, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayo ugaga mahadnaqay sida ay xilka isaga saareen inay dadka abaartu taabatay caawiyaan, gacantoodana ku gaadhsiiyaan wixii awooddooda ah ee ay shacabkooda ugu talo galeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker