Madaxwayne Trump oo Amray in Ciidamada Dalkiisa laga soo Saaro Somalia

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.

 

 

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamadaasi Mareykanka ee jooga Soomaaliya la geyn doono waddamada deriska isla markaana ay diyaar u noqon doonaan hawlgal kastaa oo loo baahdo in laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

 

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaadhaya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

 

 

Tallaabadani ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka dhigan dib u gurasho laga guranayo Siyaasaddii Xoghayihii hore ee gaashaandhigga ee Mareykanka, Mark Esper,

 

Oo Trump uu shaqada ka eryay bishii la soo dhaafay, kaasi oo door bidayay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

Badhtamihii bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii warbaahinta Bloomberg ay daabacday warbixin ay ku sheegayso in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu ciidammada dalkiisa ka soo saaro Soomaaliya.

 

 

Bloomberg ayaa waxa ay soo xigatay qaar ka mid ah lataliyayaasha sare ee madaxweyne Trump, waxaana lagu sheegay in xilligaasi uu Trump doonayay in arrintaasi uu ku xoojiyo ololihiisa doorashada.

 

 

In ciidammada Mareykanka laga soo saaro daafaha dunida oo dalkooda dib loogu celiyo ayaa qeyb muhiim ah ka aheyd ballanqaadyadii uu Aqalka Cad ku soo galay Mr Trump.

 

 

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa durbaba sheegaya in kabixitaanka ama dhimista tirada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay noqon doonto mid halisteeda leh isla markaana xoojinayso argagixisada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker