Dawlada Turkiga oo Ku Hanjabtay inay Tallaabo ka Qaadi doonto, Hadii EU Cunaqabatayn kusoo Rogaan

Turkey ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha debedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub.

 

 

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xidhiidha gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus.

 

“Haddii Midowga Yurub ay go’aano dheeraad ah ka qaataan Turkey, waa inaan ka jawaabnaa,” ayuu yidhi    Cavusoglu oo shir jaraa’ida Ankara kula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell.

 

 

 

Ayada oo xidhiidhka ururka EU              iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus,

 

 

 

Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”.

 

 

 

Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baataan arrintan ku saabsan.

 

Xidhiidhka              labadan dal edhe ka wada tirsan NATO ayaa ku xumaaday dagaalka Libya, halkaasi oo Turkey ay taageerto dowladda caalamka uu aqoonsan yahay, ayada oo Faransiiskana ku eedeysa inay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Faransiiska way beeniyeen inay taageeraan Haftar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker