Carwo Hargaysa lagu soo Bandhigay oo dhalinyaro badani ay shaqo ka Heleen

Hargeysa (OWN) Carwo bandhigeed shaqo oo lagu qabtay Somaliland ayaa waxaa lagu shaqaaleysiiyay konton dhallinyaro ah oo labaatan ka mid ah ay gabdho yihiin.

Carwadan oo ay goob-joog u ahaayeen 300 oo qof oo shaqo doon ah, ayaa aheyd tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Hargeysa.

Bukhaari Maxamed Cabdillaahi oo ah 26 jir ayaa ka mid ah dadka shaqada ka helay bandhigan kadib labo sano iyo dheeraad uu shaqo la’aan ahaa. Kadib markii uu ka qalin-jebiyay Jaamacadda Hargeysa sannadkii 2017dii, waxa uu Bukhaari si shaqo carbis oo mushaar la’aan ah u shaqeeyay 11 bilood oo xidhiidh ah.

Carwadan ka hor, sagaal jeer ayuu codsaday shaqooyin kuwaasi oo aanu helin, waxaanu Bukhari ku sheegay in sababta ugu weyn ee codsiyadiisii hore ee shaqo u guuldareysteen inay tahay eex ka jirta xarumaha shaqaaleysiiya dadka, taas oo uu sheegay inay macno dishay aqoonta iyo shahaadooyinka jaamacadaha.

Waxaa shaqooyin ka banaan ku soo bandhigay carwo-bandhigeedkan siddeed shirkadood oo ka howlgala Somaliland.

Bukhaari Maxamed wuxuu ku biiray mid ka mid ah shirkadahaas oo bixisa adeeg internet, isaga oo ka shaqeyn doona qeybta suuqgeynta oo uu ka shaqo bilaabay bishan January, waana fursadii shaqo ee uu mushahaari ku noqdo tan iyo markii uu ka qalinjabiyay jamaacadda Hargeysa sanadkii 217dii.

“Tani waxay ibo fur u tahay dhabadii saxda ahayd oo cagta saartay. In aad shaqo hesho waa arrin qalbigaaga, mooraalkaaga iyo horumarka shakhsiyadeed wax badan ka bedelaysa. Waa farxad mustaqbal fiican iyo ifafaalo wanaagsan ii sameynaysa,” ayuu yidhi Bukhaari.

Shirkadaha ku soo bandhigay carwadan shaqooyinka ka bannaan waxaa ka mid ahaa, Dhoweeye oo ah shirkad kiraysa baabuurta yar yar ee loo yaqaano tagaasida, Sahal oo ah shirkad gaadiidka safarada dhaadheer, So Gasho oo bixisa adeegga internet, iyo shirkada xawaalada ee Amal.

Carwo-bandhigeedkan shaqo ayaa socday labadii maalin ee ugu dambeysay sanadkii dhammaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker